[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Waxaa guud ahaan ardayda wax ka barta dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee soomaaliya gaar ahaan ardayada ku jirta sanadkii ugu danbeeyey ay isku diyaarinayaan imtixaanaadka shahaadiga.
hadaba shabakadda xaqiiqonews oo dhiirigelineysa waxbarashada wax ay booqosho ku tagtaa dugsiyada iyadoo soo gudbineysa sawirada iyo qabanqaabadii ugu danbeeysay ee ardayada ay sameeynayaan.
Dugisigga Hoose dhexe iyo Sare ee ceecali oo ka mid ah iskuulada ugu horreeya xagga waxbarashada dugsiyada ku yaala gobolka hiiraana ayaa xaqiiqonews waxaa u suurtagashay in ay booqasho ku tagto.
waxaana ardayda ay isku diyaarinayeen imtixaanka teeramka labaad ee gabagabada sanad dugsiyeedka 2016-2017 gaar ahaan ardayda fasalka ugu danbeeya ee dugsigga sare oo iyaga qabanqaabo gooni ah ku jiray maadaama sanadkan la soo hormariyey imtixaanaadka iyadoo lagu wado in 6 bisha soo socoto may ay galaan imtixaanka shahaadiga.
halkan hoose ka daawo sawirrada iskuulka oo sanadkan is badal badan k muuqdo
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]
DAAWO SAWIRRO: Ardayda Iskoolka ceelceli oo DIyaar garowkii ugu danbeeyey ugu jira imtixaanaadka shahaadiga
-