Daawo..Sawirro Kacbada Laga Soo Qaaday Oo Muran Dhaliyey

-

Dad isticmaala baraha bulshada ayaa is dhaafsaday muqaalka iyo sawir lagu arkaayo dhiig lagu tilmaamay in uu yahay mucjiso kana soo baxay goob u dhaw kacbda.


XAQIIQO NEWS- BARAHA BULSHADA

Isticmaalayaasha baraha bulshada qaarkooda ayaa dhiigga meesha ku daadsan ku qeexay in uu yahay dhiig dhulka ka soo baxay, arintaasi oo ku soo beegantay xuska dhalashada Cali Binu Abii Daalib, halka kuwa kalana ay sheegeen in dhiigga uu soo baxay xuska dilka Xuseen oo ah wiilkii uu awoowaha u ahaa Nabi Maxamed Scw, kaasi oo la dilay xilligii Amowiyiinta.

Hase ahaatee, muuqaalka oo ay asalkiisa laheyd wakaaladda France Press waxaa lagu arkaaa qof ku hadlaayo luuqadda Urduuga, qofkaasi ma uusan ka hadleynin mucjiso ama dhiig dhulka ka soo baxay, laakiin waxa uu ka warbixinaayey shil ka dhacday xajka gaar ahaan meel u dhaw dhagaxa madow.

Wakaaladda oo arinta ka hadashay ayaa sheegtay in dhacdada ay aheyd muuqaal laga duubay sanadkii 2017-dii shil ka dhacay meel u dhaw kacbada.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...