DAAWO SAWIRRO: Xaaska Ethopian ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Muqdisho

La Wadaag Asxaabtaada

Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka soomaaliya (NISA), ayaa maanta gacanta ku soo dhigay haweeney u qabo Sarkaal Ajaaniibta Ururka Al Shabaab ka tirsan.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Leyla Cumar Baaruud, ayaa waxaa laga soo qabtay afaafka hore hoygii ay deganeyd, oo ku yaala Degmada C/casiis ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Sirdoonka Somaliya oo muddo shan bilood ku raad joogay haweeneydan, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen, xilli ay qorsheyneysay in bannaanada hore hoygeeda ay ka raacdo gaari.
Leyla Cumar Baaruud oo ah hooyada laba carruur ah, ayaa waxay u dhaxdaa Saraakiil Ajaaniibta Ururka Al Shabaab ka tirsan, kaasoo sida la sheegay u dhshay dalka Itoobiya.

Sida ay sheegtay Leyla Cumar Baaruud waxaa ay hadda ku sii jeeday Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasoo uu ku sugan yahay saygeeda.
Leyla Cumar, ayaa waxaa lagu soo eedeeyay in ay Ururka Al Shabaab u qaabilsaneyd dhinaca tashkiilinta carruurta, iyadoona muddo toddobo sano ka soo shaqeynaysay arrimahaasi.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa horey xukuno ugu riday tiro dumar ah, oo hub lagu soo qabtay gudaha Magaalada Muqdisho, xilli sida la sheegay ay hubkaasi u hayeen Shabaabka.


FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada