Daawo..Waa Sidee Xaalka Gobolka Tigrey?

Waxaa sii xoogeysanaya dagaalka gobolada Waqooyi ee Itoobiya ka aloosan, isgaarsiinta iyo internet-ka oo xiran darteed wey adagtahay in wax badan la ogaado halka ay wax marayaan.


XAQIIQO NEWS- MUUQAALO

Hay’daha QM ayaa ku eedeynaya Dowladda Itoobiya in ay xasuuq u geysaneyso shacabka Tigreey gaar ahaan caruurta iyo haweenka oo qeyb ka ah dhibinayaasha dagaalka.

Inkastoo labada dhinac ay guulo sheeganayaan, haddana waxaa muuqaato dagaalka in aan lagu kala adkaan, waxaana la soo warinayaan in goobo horay Tigrey-ka looga qabsay in ay hadda dib ula soo wareegayaan, halka dowladda ay shaacineyso goobo kale oo hor leh oo ay ka qabsatay xoogagga TPLF.

Sidoo Kale Aqri: Saraakiishan Tigreyga ah Gudaha Soomaaliya Ayaa Lagu Xiray

Dowladda Itoobiya ayaa isku deyeysa in ay sacbaha ku qariso qasaaraha shacabka ka soo gaaraya dagaalka, waxa ayna ruqsadda kala laabatay wakaaladda wararka Reuters, iyadoo sidoo kale xirtay wariyaal u shaqeeya webseetka Adis standarad.

Posted by Tigray Media “ትግራይ ሚድያ” on Saturday, 21 November 2020
FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA