Daawo..Wariye Toos Hawada War Aqrinaysay Oo ilkaha ka Dhaceen

La Wadaag Asxaabtaada

Haweeneyda wariyaha rer Ukrain Maritschka Padalko,ayaa ka hadashay markii ugu horeysay muuqaalkii baraha bulshada aadka ugu faafay, markii ilkaha hore ay ka soo dhaceen iyada oo war aqrineysay.


XAQIIQO NEWS- MUUQAAL

Padalko waxa ay tilmaamtay in ilkaha ay ka dhaceen 10 sano ka hor, markii gabadh ay dhashay si gama ah ay saacad bir ka sameysan afka uga dhufatay.

Waxa ay sheegtay in ay go’aansatay in goor dambe ay ilkaha iska hagaajiso hase ahaatee ma aysan u hogaansamin waanada dhaqtarka oo u sheegay in aysan ilkaheed wax ku cunin ilaa ay daawado ka dhamaato. Waxa ayna Facebook ku soo qortay ” Runtii Dhacdada arintaasi ayaa sababtay”.

Wariyaha waxa ay intaasi ku dartay in aysan filaneynin in daawadayaasha ay dareemi doonaan dhacdada, laakiin waxaa ay ka yaabtay sida feejigan ee daawadaayasha ay dhacdada uga falceliyeen.

Waxa ay qortay “Intaasi oo dhan waxaa iiga muhiimsanaa shakhsiyan taageerada fariimaha ee isoo gaaray dhacdada ka dib”.

Bartimihii sanadkii tagay waxaa baraha bulshada aad loogu baahiyey muuqaalka Maritschka Padalko oo ilkaha ka dhaceen iyada hawada toos war uga aqrineysay shaashadda Telifishinka 1+1 ee Ukrain laga leeyahay.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada