Daawo:Gabar bisha Ramadaan Surwaal soo xiratay Oo Si xun loo Tumaayo Oohin !!

-

wiil turkish ah ayaa xadgudub garaacis iyo candhuufo tuf iskugu jira u geystay gabar saarneed baabuur Bus magaalada Istanbuul ka dib markii ay soo xiratay surwaal gaaban inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan marka la fiiriyo sawirada la soo bandhigay maalintii arabacada arintaasi oo carro badan ka dhax dhalisay Hay,adaha u dooda xaquuqda Haweenka.

gabadh heer jaamacadeed ah oo lagu magacaabo Melissa Sqlam ayaa saarneed Bus ka hor inta aysan hadalo iyo candhuuf tuf kala kulmin nin fadhiyey gadaasheeda.

Wargeyska Hurriyet ayaa daabacay hadalka Melissa Sqlam oo dhaheysa”isla markii aan soo fadhiistay bus-ka wiil gadaasheyda fadhiyey waxa uu bilaabay in uu i dhaho maxaa u soo xiratay surwaalada gaaban bisha Ramadaan laakin waan iska indha tiray Earphone(samaacadda dhagaha) ayaan isku mashquuliyey balse wuu soo istaagay waxa uuna bilaabay in uu i garaaco”

sida ka muuqata muuqaal la duubay gabadha ayaa isku dayeysa in ay ka aar gudato wiilka hase ahaatee waxaa uu iskugu daray haraanti iyo feer Buska dhexdiisa ilaa ay dhulka kaga dhacdo islamrkaana waxa uu ka baxay bus-ka

Dhacdadani ayaa muran weyn ka dhax dhalisay hay,adaha u dooda xaquuda aadanaha iyadoo hay,ad lagu magacaabo ‘Stop girl infanticide'(jooji duugista gabdhaha) ay ku daabacday boggeeda Tuwiter-ka hadal ay ku leeyihiin”waxaan xiran doonaa wax walbo oo aan jecelnahay marka aan dibadda u baxeyno kama tageyno xuriyaddeena”

Hoose ka Daawo muuqaalka Wiilka oo Jirdilaaya Gabadha Bus-ka Dhexdiisa
https://www.youtube.com/watch?v=HvRtScHRlLI

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...