Madaxweynaha maamulka Hiirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa si layaableh xil ugu magacaabay Nin xoogsato ah oo aanan waligiis siyaasad gelin oo ku sugan magaaladda Muqdisho
Magaciisa ayuu ku arkay liiska magacaabid uu gobolka Hiiraan usameeyay madaxweynaha Hiirshabelle, waxaana C/rashiid Sheekh Cali loo Magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Hiiraan.
Laakiin Ninkan oo aanan ka warqabin magacaabidaas waligiisna aanan siyaasad ku fakarin ayaa aad ula yaabay arintaas, waxaana uu saxaafada usheegay inuusan xilkaas si qaldan ugu magacaabay madaxweyne Cosoble,waxaana uu C/rashiid la soo Xiriiray Idaacad ka mid ah kuwa Magaalada muqdisho.
“Ummadda Soomaaliyeed waxaan u caddeynayaa in aanan Xilkaas qaban doonin oo uu yahay Xil aanan waxba kala socon haddana aanan qaban doonin”ayuu yiri C/rashiid Sheekh Cali.
Ninkan oo ku nool Muqdisho ayaa tilmaamay inuusan waligiis la kulmin madaxweynaha Hirshabelle sidoo kalana uusan raadsan xilkaas.
https://www.youtube.com/watch?v=IP53YSNP0i4