Daawo:Muuqaalkii Ugu horeeyey ee Youtube la soo dhigo+facebook Acooun-kii ugu horeeyey

La Wadaag Asxaabtaada

Dad badan ayaa maanta si weyn u isticmaala baraha bulshada wax ku faafiso gaar ahaan Youtube-ka iyo facebooka oo lagu tilmaamo kuwa ugu shacbiyadda badan.

hadaba waxaa jirta su,aalo wax badan dadkaa is weydiiyaan oo ah kumaa ahaa Muuqaalkii ugu horeeyey ee youttube-ka la soo dhigo?goormaase ayey aheyd markii ugu horeeysay ee la soo dhigay? yuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee ciwaan facebook sameysto ?

hadaba shabakadda baahisa wararka qarsoon iyo tiknoolajiyadda ee xaqiiqonews ayaa baaritaan ay sameysay wax ay heshay muuqaalki ugu horeeyey ee youtube-ka la soo dhigo.

Mee At the Zoo” waxa uu ahaa ciwaanka muuqaalkii ugu horeeyey ee la soo dhigo youtube-ka waxaana la soo dhigay muddo hadda laga joogo ku dhawaad 13 sano oo ku beegneed 23-Apriil-2005-tii.
Halkan riix Si aad u daawato Muuqaalkii ugu horeeyey ee youtube-ka

dhanka kale Facebook ID-kii ugu horeeyey waxa uu ahaa (ID-4) sababtuna wax ay aheyd in IDs(1,2,and 3) loo sameeyey tijaabo ahaan ka dibna laga tirtiray page-ka sidaa darteed ciwaanka wata Facebook ID-4 ayaa noqonaya ciwaankii ugu horeeyey ee shaqeeya waxaana iska leh milkiilaha facebook Mark Zuckerberg.

waxaana xigtay in Mark Zuckerberg uu u sameeyey saaxibadiisa ay isla dhigan jireen Harvard University oo noqday dadkii ugu horeeyey ee ciwaaan facebook sameysta waxaana ugu caansan Eduardo Saverin, Andrew McCollum, Dustin Moskovitz iyo Chris Hughes.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada