Dad Cuuryaan Ahaa Ayaa Socday..Ka Dib Markii Ay Sirtan Ogaadeen !

La Wadaag Asxaabtaada

Dad nolashooda burburtay ayaa dib u helay nolol fiican markii ay sirtan ogaadeen, xitaa dad qaar oo cuuryaan ah ayaa lugahooda ku socday ka dib markii ay fahmeen “sirtan”, haddaba waa tuma Sirtan?


Xaqiiqonews-Horumarinta-Nafta

Sanadkii 2006 buug ciwaankiisu yahay “Sirta” ayaa noqday buugga loogu iibsashada badnaa, waxaana buugga uu soo baxay wax yar un ka dib markii la faafiyey isla filim sitay magaca “sirta”.

Buuggan ayaa loo tarjumay in ka badan 50 luuqadood oo dunida oo dhan ah, qoraalkani gaaban ayaana ka faaqidi doonaa fariinta ay xambarsanaayeen buugga iyo filimka isla socday ee “Sirta”.

Rhonda Byrne, oo ah haweeneyda qortay buugga ayaa sheegtay in sababta buuggani ay u qortay in ay tahay in ay farxad ku abuurto quluubta balaayiin dad ah oo dunida ku kala sugan, si ay “sirtani” ugu adeegsadaan in ay ku gaaraan riyooyinkooda iyo maqsadkooda.

Qaanuunka Soo Jiidashada (low of attraction)

Waxaa laga yaabaa adiga oo afka gacanta ku haaya in aad is weydiiso “talow waa tuma sirtan? sideese lagu ogaaday

Sirtani laga hadlayaa waa tii u suurtagelisay in dad ban’aadamka ka mid ah ay dul tagaan Dayaxa, waa sirta ban’aadamka u suuragelisay in ay sameeyaan kumaan iqtiraac oo badalay qaabka nolasha, sida diyaaradaha, Internetka, baabuurta, tareenada,Tv-yada iwm.

Sirtani ma ahan kaliya in lagu xusay buuggan, sidoo kale sirtani waxaa lagu sheegay diinta islaamka, xadaaradihii hore iyo buugaagtii falsafadda Gariiga.

Sirtani oo magaceeda casriga ah uu yahay “qaanuunka soo jiidashada” ayaa sheegeysa in dunida aad ka heleyso wixii aad filaneysay ee niyadaada ku jira.

Qanuunkan ayaa na baraya in dunida ay tahay jabaq noqod nagu soo celineysa oo kaliya wixii aan ka filanay oo aan xoogga saarnay.

Muddo ka dib markii uu soo baxay buugga “Sirta” , dad badan ayaa sheegay in qaanuunkani uu nolashood wax badan ka badalay, waxaana dadka u dabaal degay waxqabadka qanuunkan ka mid ah,,dad dhaawac ahaa oo lugahooda ku socday ka dib markii ay qaanuunkan dabaqeen.

Sidee U Shaqeeyaa Qanuunka soo jiidashada(low of attraction?

Waligaa ma aragtay qof aad rabtay in aad wacdo, ka dibna aad aragtay isaga oo ku soo wacay? hadii aad dhacdadaasi la kulantay waxa aad la kulantay “qaanuunka soo jiidashada”.

Ma is weydiisay, badanaa maxay u dhacaan waxyaabaha aan ka cabsano in ay dhacaan? jawaabta oo gaaban waxa ay u noqoneysaa “qaanuunka soo jiidashada”

Suuragal ma ahan in aad ka fakirto dhanka xun, isla markaana aad hesho natiijo wanaagsan, si aad u hesho riyooyinkaada waa in aad had iyo jeer ka fikirtaa dhanka wanaagsan.

Qaladka ugu badan ee ay galeen dadkii ku fashilmay in ay qaanuunkan dabaqaan, waxa uu ahaa markii ay fisheen in ay natiijo wanaagsan helaan iyaga oo isticmaalaya niyadaa oo kaliya, hase ahaate waxa aysan dadkaasi ogaan ayaa ah mid ka mid ah matoorada uu ku shaqeeyo qaanuunka soo jiidashada, kaasi oo ah “Ficil”.

Hadii aad aaminsantahay iyo hadii kalabe, fulinta qaanuunka soo jiidashada, ayaa noqday aalad waxtar leh oo dad badani ku riixay in agaaraan riyooyinkooda.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada