Dad Dhimashada Ka Soo Kacay !….Kedis

-

Dhimashada waa  xujooyinka kuwii ugu horeyey ee hor yaalay aadanaha, gaar ahaan dadka aan diimaha aaminsaneyn, ilaa hadda oo la gaaray horumarka casriga ah,  wili waa xujo ay ku wareersanyihiin culimada Sayniska.

Xaqiiqonews.com-Saynis

Waxaa laga yaabaa in ay sax noqoneyso hadii aan dhahno ma jiro arin la xaqiijin karo in ay dhaceyso aan ka aheyn Geerida.

Mowdka waxa uu ahaa xujooyinka kuwii ugu horeyey ee hor yaalay aadanaha, gaar ahaan gaalada, ilaa hadda oo la gaaray horumarka casriga ah,  wili waa xujo ay ku wareersanyihiin culimada Sayniska.

Cabsida gaalada ee ku saasbsan Dhimashada Maalmahan danbe  aad ayey u badatay, maxaa yeelay Waxaa ay leeyihiin culimada saynisaka Qofka marka uu dhinto qeybo ka mid ah jirkiisa ayaa sii shaqeynaya.

Muslimiinta ayaa aaminsan Mowdka, waxeyna ogyihiin waxa dhacaya mowdka ka dib – waxaana arimahaasi oo dhan ay ka barteen kitaabka ay aaminsanyihiin.

Balse warbixintan,  ayaa ifineysa , qaabka  iyo waxa culimada Sayniska ay ka yiraahdeen Mowdka, waxaana soo qaadan doonaa ilaa seddex qof oo ka sheegeyey  “Dhimashadooda yareyd” ka dib markii Wadnahooda iyo jirkooda ay shaqada joojiyeen kahor inta aysan ku soo laaban nolasha Caadiga ah.

Waregyska Mirror ee ingiriiska ka soo baxa ayaa qoray sheekooyin ku saabsan dad dhintay waqti kooban, ka dib noolasha ku soo laabtay, waxaana soo laabashadooda ka dib la weydiiyey su,aal aan suuragal aheyn in jawaab loo helo, waxaa la weydiiyey  “ka warama dhimashada waa sidee?”

Hase ahaatee jawaabahooda ayaa aad u kala duwanaa, hadaba qeybta hoose ka aqriso qaar ka mid ah wixii ay ka sheekeeyeen:

-Waa sida adigaa oo buug baaraya

Nin lagu sameeyey qaliin, ayaa dhiig bax badan ka dib waxaa shaqada joojiyey jirkiisa, muddo daqiiqado ah oo kooban ka dib ayuu soo naaxay waxaa uuna yiri:

“waxaan arkay wax u eg cir, laakin ma arkeynin wax iftiin ama xidiga ah,  laakin waxaan wareegeyey cirka ”

waxa uuna intaasi ku daray  ” ma dareemeynin kuleyl iyo qabow toona,  ma dareemin daal iyo gaajo midna, kaliya waxaan ku jiray daganaan, waxaan dareemaayey in iftiin ii dhaw yahay laakin xagiisa in aan u dhaqaaqa wax dan ah kama laheyn.”

waxa uuna leeyahay ninkani  “si kastoo arinkan loo dhigo,aniga qaabkii aan u fikiraayey ayey wax ka badashay, walow aan dhimashada ka cabsada, balse kama walwalsani waxa dhacaya mowdka ka dib.”

-Booqasho qof sharaf badan

Asigoo Baaskilkiisa kaxeynaya ayuu galay shil sababay dhimasho mudeysan {macnaha jirkiisa oo shaqada joojiyey daqiiqado kooban}, waxaana loola cararay isbitaal waxa uuna ka sheegeyey wixii uu arkay:

“Waxaan xasuustaa oo kaliya aniga oo dul yaala “marsha biyeedka” waxaan galay riyo,waxa kaliya ee ii diiday in aan galo hurdo dheer waxa ay tahay codka nin igu dhahaayey  “istaag, is adkeey ! kor u kac ninyow”

“waxaan argay walalkey oo fadhiya meel ii dhaw marsha biyeedka dhankiisa kale…laakin arinkaasi yaab ayuu igu noqday maxaa yeelay walaalkey waxaa uu dhintay sanado ka hor ka dib markii uu isku badiyey muqaadaraad”.

Waxa kaliya ee aan xasuuta waxa ay tahay ” walaalkeyga aan arkay waxa uu fiiryey saacadiisa, waxaa uuna yiri ….halkan ayey imaan doonaan….. ka dibna wuu dhaqaajiyey”

-Beer

Inkastoo dadkii tijaabadan la geliyey ay isku raaceen in dhimashada ay tahay meel banaan ah oo kale, balse ninkani la marsiiyey camaliyadda “i dead for a bit”  {waxaan dhintay cabaar} waxa uu leeyahay:

“waxaan xasuustaa sida in qof gadaal ii jiidaayo,  waxaan arkaayey muuqaal madow oo soo baxay hadana noqday, ka dib waxaan arkay beer”

waxaa uu raaciyey  ” ma aheyn beer ubaxyo badan, kaliya boor iyo caws aan dhameysirneen ayaa arkaayey,  waxaan arkay garoon ay ku ciyaaraayeen caruur, wey adagtahay in aan tilmaamo wixii aan arkay, balse waxaan dareemaayey go,aanka ah in aan halkan sii joogo ama in aan baxo in uu gacanteyda ku jiray, hase ahaatee cilada i hortaagan ayaa aheyd  in wax aan aqoonin ay iga hortaagnaayeen in aan dhaqaaq sameeyo”.

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...