Qofka oo aad si dhab isku hortaagto oo kaliya kuma ogaan kartid boqolkiiba boqol in uu been sheegaayo iyo inkale, balse baarayaasha waxa au soo ogaadeen calaamado ay tahay in aad ku baraarugta, kuwaasi oo kuu iftiiminaya in qofka kula hadlaayo uu been sheegaayo.
Xaqiiqonews.com
Sida lagu daabacay warbixin ay qortay warbaahinta codka jarmalka “Deutsche Welle” warbixintaasi oo Xaqiiqonews ay soo tarjuntay, baarayaasha ayaa xoogga saaray sidii ay u fashili lahaayeen beenaalayaasha, waxaana halkan idinku soo gudbineynaa ilaa afar calaamadood oo aad ku ogaan karto hadii qofka kuu sheegeynaayo uu been sheegaayo iyo inkale.
Nibirsiinta Ishiisa Oo Joogta ah.
Waxaa jira Qaacido adag oo sheegeysa in qof kasta oo jiifo marka uu hadlayo uusan indhahaaga soo eegin . Taasina waa mid aan run ahayn, laakin, dadka khibradda u leh been sheegista waxay inta badan eegaan indhaha kuwa iyaga u nugul si ay u helaan kalsoonidooda, . Waxaase fiican waa in la ogaado soo noqoshada indhaha, dad badan ayaa indhahooda nibirsiiya marka ay been sheegayaan.
Luuqadda Jirka Oo Is Burineysa.
Dadka beenta sheegaya ma dareemaan wax Raaxo ah, , tanina waxay ka muuqan kartaa luuqadda jirka, sida in uu sameynaayo dhaqdhaqaaqyo kala duwan kursigiisa korkiisa, ama gacmo oo uu is gashado, ama gacmihiisa oo uu saaro indhahiisa ama afkiisa, Laakiin taxadar u yeelo qodobkan , dhammaan dhaqdhaqaaqyadani waxay yeelan karaan sababo kale oo been sheegid aan aheyn.
Faafaahin booskeeda Ka baxsan
qofka beenaalaha ayaa waxaa caado u ah in uu kalo qodobo aan meesha oolin , waxa uuna sheekadiisa u sameeyaa hordhac badan , hase yeeshee markii uu gaaro warka biya dhaciisa, waxaan aragnaa in uu mowduuca iskaga soo xira si dhaqso isaga oo kala qodob kale.
Dhaar Fara badan iyo adkeyn.
Qof soo celcelinaya oraah walbo dabadeed erayadan “Runtii” , “Xaqiiqda”, “Hadii aan runta kuu sheego” ama isku daya in uu hadalkiisa ku kaabo dhaar “Waxaan ku dhaaranayaa”, “Ilaahaa Ila og” iwm, waxa ay u badan tahay qofkaasi in isaga iyo run sheegista ay mushkilad kala heysato.