Dadka karoona Ka Bogsaday Oo Ilkahooda Calaamaddan Lagu Arkay

La Wadaag Asxaabtaada

Khubaro caafimaad ayaa sheegay in Karoona Feyruus uu saameyn ku yeesha Afka iyo ciridka isaga oo marar qaar xitaa sababa in ilkahu dhacaan.


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

Sida Newyork Times laga soo xigtay, khubarada ayaa leh: hadii qofka uu horay u qabay xanuunada ilkaha, Karoona Fayrus waxa uu ku sababi karaa cudurada ilkaha iyo afka, waxaana dhici karta qofka in ilkihiisu daataan marka uu ka bogsada cudurka.

Waxaa la leeyahay in ka badan 47% dadka da’dooda ay ka sareyso 30 sano waxa ay ka cawdaan cudurada ciridka iyo infekshinada afka.

Isla markaa, dadka qaba Covid-19, in ka badan oo ka mid ah waxa ay la kulmeen “ilko beel” markii uu cudurka haleelay ka dib.

Sidoo Kale Aqri:Dhimashada Karoona Yaa Ku Badan,,,Ragga Mise Dumarka

Dhaqaatiir ayaa ku doodaya ilkaha oo iska soo dhaca dhiig la’aan in ay tahay “waxa qeyrul caadi ah”, taasi oo tilmaam ka bixineysa jiritaanka dhibaatooyin heysta haamaha dhiigga keena ciridka.

Wargeyska ayaa soo xigtay dhaqtarka Ilkaha David Okano oo ka tirsan Jaamacadda Utah oo yiri: “Ilkaha iskama dhacaan si iskood ahna ciridka ugama soo daataan marka laga reebo marmarka qaar oo dhif iyo naadir ah.”

Dhaqaatiirta ayaa tilmaamay jiritaanka cilmi baaris yarida ka taagan xiriirka ka dhaxeeysa Kofid-19 iyo cudurka ilka dhicitaanka.

Wargeysku wuxuu xusay in ilko luminta ka dhalata infekshanka loo yaqaan ‘Covid-19’ sababteedu in ay tahay saameynta fayraska Karoona ku yeesha wareegga dhiigga, taas oo sidoo kale sababi karta timo lumis iyo barar dhinacyada hoose ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada