Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

-


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay ku sheegeen mid u muuqata “boob”.

DHAMMAADKIISA: Qoraalkii ugu dambeeyey ee midowga musharixiinta ay kaga hadleen “boobka doorashooyin” waxaa dhici karta in uu noqdo mid horudhac u ah nooc cusub oo hardan ah oo markale uu dalka lugaha la galo.

Lahjadda qoraalka ayaa ka muhiimsaneyd qoraalka laftiisa, waxa ayna si cad u sheegeen in aysan “aqbali doonin” waxa ay ku sifeeyeen “boob qaawan”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah tiirarka uu ka taagan yahay midowga ayaa boggiiisa faysbuugga ku qoray faafaahin ku aadan nooca go’aan ee midowga qaatay.

Cabdishakuur ayaa waxa socda ku soo koobay labadan kalmadood “ama i doorta ama doorasha la’aan”.

Qeylo dhaanta “boobka doorashada” ma ahan mid ku kooban oo kaliya midowga, sidoo kale waxaa jira mas’uuliyiin caan ah oo aan mucaaradka ka mid aheyn kuwaasi oo sheegay in loo diiday xitaa ka qeyb galka doorashada.

Dadka waxa socda boob ku tilmaamay waxaa ka mid ah Jawaari oo loo diiday in uu isku soo sharxo xilka uu isaga ku fadhiyey 4-tii sano ee la soo dhaafay.

Masiirka Dalka

Qoraalka midowga waxaa ku jiray “waxa aan sameyneynaa wada tashiyo ku aadan masiir dalka”, arintaasi oo dadku u fasirteen siyaabo kala duwan.

Fariinta midowga oo lagu soo koobay wax ka yar “100 eray” ayaa waxyaabaha ugu waaweyn ee laga fahmi karo waxaa ka mid ahaa in dagaalkii hore uu ahaa qabyo lana dhameystiri doono hadii lagama maarmaan ay noqoto

Ka badbadis ma ahan laakiin qoraalkii midowga waxa uu dhagaha shacabka kaga tagay su’aal muhiim ah : Ma doorasho ayaa dhici doonto mise dagaal?

Ma hubo in dalka uu aadi doono “doorashooyin” ama uu aadi doono “dagaal” hase ahaatee hal arin aan hubo waxa uu yahay dagaalka ma ahan “qasab” waa xulasho ku xirnaan doono hadba nooca go’aan ee ay qaataan labada dhinac.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...