Dagaalkii Tigrey Ma Dhamaaday..Mise Hadda Ayuu Bilowday

La Wadaag Asxaabtaada

Booqashada ra’iisal wasaare ku xigeenka Itoobiya uu ku tagay Makelle Caasimadii Tigrey ayaa abuurtay xiisad hor leh ka dib markii uu banaanka soo dhigay qorsho lagu hubeynaayo barakacayaasha Tigreey.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Dagaalka Sokeeye ee Itoobiya ama dagaalka Tigrey waxa uu u muuqdaa in uu galay marxalad cusub, marxaladda hubeynta shacabka iyo qowmiydaha, waxaa arintaasi aad u sii xoojiyey booqashadii ra’iisal wasaare ku xigeenka uu ku tagay caasimadda Makelle ee xarunta u aheyd xooggagi Tigreey.

Demeke Mokenen, ayaa shaaca ka qaaday qorshaha lagu hubeynaayo shacabka, si ay uga gaashaantaan weerarada lagu haayo qowmiyad ahaan.

Qorshaha cusub ee lagu hubeynaayo barakacayaasha ayaa imaanaya xilli xadgudubyo ba’an oo ka dhan qowmiyadda Tigrey ay ka soconayaan gobolkaasi.

Milatariga Itoobiya ayaa horay loogu eedeeyey in tacadiyo iyo kufsi wadareed kula kacaan dumarka Tigreey, gaar ahaan saraakiisha Amxaarada ayaa lagu tuhmayaa in falalkani ay ka dambeeyeen.

Falanqeeyaasha ayaa aaminsan in hubeynta shacabka ay noqon doonto dhimbil hor leh , taasi oo la filaayo in ay hurin doonto colaadaha qowmiyadaha ku saleysan ee Itoobiya ka socda.

Dhacdo kale oo warkani xiriir la leh: Dowladda Itoobiya ayaa ayaa baahisay war ku saabsan xoogag islaamiyiin ah oo hubeysan kuwaasi oo xiriir la leh Al-shabaab iyo Daacish.

Kooxdani oo magaceedu la sheegay “Islamic center” ayaa dhaq dhaqaaqyo ka wado gobolka muslimiinta ku badan yihiin ee Oromiya.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada