Wanla weyn waxaa ka dhacay dagaal lafa jebis ah kaasi oo dhibta ugu badan ay ka gaartay dadka shacabka ee aan hubka wadan.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Dagaal beeleedyo dhacay ka dib waxaa magaalada tagay ciidanka Danab, taliyaha Maxakmada ciidanka qalabka sida ninka lagu magacaabo Shuute iyo saraakiil ka tirsan Df-ka kuwaasi oo sheegay in la soo xirxir doono dhamaan dadkii ku lug laha falalkii anshaxa xumaa ee ka dhacay Wanla weyn.
Falalkii ugu anshaxa Xumaa !!
9 qof ayaa la dilay ka dibna xuboonaha taranka laga jaray oo afka loo geliyey, qof nool ayaa la gubay, tuulooyin ay deganaayeen dad barakacayaal ah ayaa dab la qabadsiiyey, haddaba yaa ka mas’uul ah falalkaas oo dhan?
Qofka ugu darajada sareeya ee eedda wajahaya ayaa ah gud. dagmada Wanla weyn kaasi oo isaga qeyb ka noqday colaadda, sida lagu baahiyey cod sir ah oo baraha bulshada la soo dhigay.
Taliyaha Maxkamadda sare ee Ciidanka shuute ayaa saxaafadda u sheegay in dilalkii dhacay ay u soo qaban doonaan dadkii sameeyey, isla markaana lagu maxkamadeyn doono.
Isku soo dub musiibadii ka dhacday Wanla weyna mas’uuliyadeedu malahan malaa’ig, waxaa falka geystay dad ban’aadam ah kuwaasi oo u dhaqmay qaab ka aradan anshaxa dagaalka,Waxaana Df-ka laga dalbaday in ay qaadato go’aan geesinimo leh si loola xisaabtamo dambiilayaasha