Dahir oo Maxakmad Holandeeys ah Ay Xakuntay(Maxaa u meleyneysaa in lagu xakumay)

-

Daahir Calasow oo ah Soomaali deggan dalka Holland ahna shakhsi inta badan dhaliya muran iyo dood (controversial person), ayaa dacwad ku soo oogay dhamaadkii bishii hore Wasiirka Warfaafinta iyo hanuuninta Jamhuuriyadda federaaliga ah Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow).

Daahir Calasow ayaa ku dacweeyey wasiirka in markii uu socdey kiiskii Dahabshiil iyo Daahir Caslasow uu Inj. Yariisow qoray qoraal Dahabshiil ku darsatey dacwadeeda kaas oo la xiriiray in Daahir Calasow yahay qof dadka handada oo khasba iskuna daya in sidaas lacag uga qaado, qoraalkaas ayuuna kiiska dacwadda u furtey, sida uu isagu sheegay.

Maxkamad ku taala magaalada Amestardam ee dalka Holland ayaa go’aan ka gaartey dacwadda, waxaana ay ka dhigtey mid aan waxba ka jirin, sidoo kale waxay Calasow ku xukuntey in uu bixiyo kharashkii dacwadda uga baxay Wasiirka Warfaafinta.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in maxkamaddu ay ku xukuntey Daahir Calasow in uu bixiyo magdhaw gaara 1,699€ taas oo siinayo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Yariisow, lacgataas ayaa ah magdhowgii kharashka Maxkamadda uga baxay.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Wasiirka Warfaafinta oo ka hadley go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo, go’aanka maxkamadda ayna caddeyn u tahay in xornimada saxaafadda iyo madax banaanideeda aysan meel uga jirin hanjabaad iyo khasab in lacag la isaga qaado.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...