Waxaa laga yaabaa in aad aragto dad qaar oo Soomaaliya ugu yeeraya “Jowharadda Badweynta Hindiya”, Waxaa kaloo jira naaneysyo kale, si aad ogaato waxyaabo badan oo soomaaliya ku saabsan aqri warbixinta hoose.
Xaqiiqonews.com-Wararka Gudaha
Waxaan qorayaa warbixintan, maxaa yeelay waxaan ogahay in aan aheyn qofka kaliya ay soo jiidatay quraxda qarsoon ee “Waddanka Buluugga”, xilliga aan qoraya warbixintan dalku waxaa uu ki jiraa xaalad “Faqri iyo Dagaal “, waxaase aan rajeynayaa in “Dalka Buluuugga” uu ka mid noqon doono 10-ka dal ee dunida ugu sareeya, hadii dadkiisa ay fahmaan nolashada dunida.
Meeraha Buluugga ah.
dhulka oo ah Meeraha aynu ku noolnahay waxaa kale oo lagu naaneysaa “Meeraha Buluugga ah” Soomaaliya waxa ay ka mid tahay wadamada aduunka ee ku dhaxyaal “meeraha buluuga ah” hase yeeshee waa arin is weydiin mudan “Maxaa Soomaaliya u gaar ah? si ay xaq ugu yeelato naaneysta ah “Dalka Buluugga ah”
Calanka Buluugga ah.
Waxaa jira maansooyinka badan oo laga alifay calanka cir u eg ee Soomaaliyeed, heesta ugu caansan waxaa hal-abuuray Xuseen Ow Faarax AUN sanadka markuu ahaa 1955-kii,. waxaana ku luuqeyey Cabdulaahi Qarshe.
qoloba calankeedu waa caynoo
innana keenu wa cirkoo kale oo
an caadna lahayne caashaqayee
Badda Buluugga ah
Hadii JAziiradda Madagacar ay tahay Waddanka ugu xeeb dheer Afrika, Soomaaliya waa waddanka Koowaad ee leh Xeebta ugu dheer Afrika Marka laga reebo waddankan badda ku dhax yaal ee Madagascar.
Midibka buluugga ee calanka waxaa xoojinaya Midibka Buluugga ah ee badda, hadda dalka oo dhan waxaa uu u muuqdaa Buluug waxaana sax noqneysa naaneysta ah “Dalka Buluugga ah”