Dalka Holland Oo Magaca Iska Badalaya 2020

La Wadaag Asxaabtaada

Dowladda Holland ayaa go’aan ku qaadatay in ay iska badasho naaneysteed caanka ah ee “Holland” , iyadoo sheegtay in ay sii heysan doonta magaceed rasmiga ah.


Xaqiiqonews-

Dad badan ayaa u yaqaan Holland, wadankan dhaca galbeedka qaaradda gabowday ee Yurub, hase yeeshee magaciisa rasmiga waxa uu yahay “dhulkii hooseeyey (Netherland).

Dowladda ayaa sheegtay in la baa bi’in doono magac Holland bisha janaayo ee sanadka soo socda, waddan ayaana looga yeeri doonaa oo kaliya magaciisa rasmiga ee “Netherland”.

Dowladda ayaa ololahan magac badalista u qoondeysay qarash gaaraya 330 kun oo doolar, waxaana olalahani uu beegsanaya dalxiisayaasha u safra dalkaas,

Go’aankan ayaa imaanaya xilli waddankaasi uu isku diyaarinaayo in uu martigeliyo tartanka heesaha Yurub.

Dowladdan ayaa bilowday isticmaalka naaneystan 20 sano ka hor, balse hadda dowladda ayaa jecel in ay meesha ka saarto naaneystan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada