Maalta ayaa noqotay dalkii ugu horeeyey oo Yurub ah oo caadi ka dhiga isticmaalka iyo beerista xashiishka.
XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA
Maalintii talaadada barlamaanka Maalta ayaa ansixiyey go’aan u ogolaanaya dadka qaangaarada ee dalkaasi ku sugan in ay heysan karaan 7 gram oo xashiis iyo in ay beeran karaan 3 geed.
Go’aanka cusub ee baarlamaanka dalkaasi qaatay ayaa wali dambi ka dhigaya isticmaalka xashiishka ee bulshada dhaxdeeda, iyada oo ganax dhan 500 Euro ($564) laga qaadi doono qofkii xashiis ku hor isticmaala caruurta hortooda.
Go’aanka xashiishka ayaa cambaareyn kala kulmay axsaabta midigta fog iyo kaniisadaha kuwaasi oo sheegay in codsi ay ku dalbadeen joojinta go’aanka la iska indha tiray.
Dhanka kale Holand oo ka mid ah dalalka Yurub ayaa waxaa laga ogolyahay beeca qiyaasyada yar ee xashiiska inkastoo isticmaalka xashiiska uu ka yahay sharci darro dalkaasi.
Sidoo kale shirkadda BVG taasi oo ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha ee Jarmalka ayaa dhawaam oo saartay tikit ay u magac dartay “”cannabis ticket”, kaasi lagu carfiyey saliid laga sameeyey miraha xashiiska , waxa ayna si kaftan ah u yiraahdaan “waxaan rabnaa in aan dadka illowsiina cadaadiska safarradda xilliyada ciidda kirismiska iyo in aan murugada ka yareeyno dadka reer Baarliin ee caanka ku ah isku buuqa”.