Saaxafadda ayaa laga yaabaa in ay ka baxdo khariidada wararka iyo dhacdooyinka caadiga ah, gaar ahaan marka ay timaado in laga sheegeeyo dambiilayaasha, waana arin kidis ah in aad ogaato in wariyaasha qaar ay waqti ku bixiyaan in ay horfadhiistaan oo ay waqti la qaataan dambiilayaasha ugu halisata badan dunida.
Xaqiiqonews-Muuqaalo
Sadaradan soo socdo waxa aan kaga sheegeyn doonaa Dambiilayaasha ugu yaabka badnaa dunida, ee wareysi lala yeesho.
1. Issei Sagawa
waa dambiile reer Japan ahaa waxaa uu dilay haweeney reer Holland ah ka dibna hibibkeeda ayuu cunay sanadkii 1981, xilli uu ku guda jiray booqasho uu ku joogay Paris.
waxaa uu dunida ku yeeshay magac Dambigiisa dartiis, dhacdada ayaa waxa ay ku bilaabatay markii Sagawa uu casuumay saaxibtiisa isla jaamacad dhigan jireen ee Renée Hartevelt, isagoo u sameeyey marti qaad casho, isagoo ku marmarsiyooday in uu u tarjumi doono cashir Gabay, hase ahaatee imaanshaheeda ka dib waa uu dilay ka dibna hilibkeeda ayuu cunay !.
Issei Sagawa waxaa uu ku dooday in saaxibtiis uu u cunay madaama ay ku raaxeysaneyso caafimaad heersare ah iyo qurux, wuxuuna sheegay in uu rasaas la dhacay markii ay dhimtay ka dibna uu cunay.
https://www.youtube.com/watch?v=IdXPJWODzjo
2. Ted Bundy.
Waa dilaa Mareykanka u dhsahay, waxa uu xoogay ka dibna uu dilay wax ka badan 50 dumar ah, saacado un ka hor inta aan si farsameyn loogu dilin kursi koronto ah waxa uu bixiyey wareysi cajiib ah.
Ted Bundy waxaa uu sheegay in uu soo qaatay nolol caruurnimo oo caadi ah, hooyadiis iyo aabhiis waxa ay ahaayeen masiixiyiin waxa uuna ku soo barbaaray nolasha kaniisadda.
Ted Bundy waxaa uu carabooway in noolashiisa si kadis isku badashay oo uu la qabitmiy galmada iyo dilka, waxaase cajiib aheyd intii uu wareysiga socday i uu Ted Bundy u sheegaaynaayey si dagan oo u muuqata sida qof aqoon yahan ah.
https://www.youtube.com/watch?v=Vlk_sRU49TI
3-Aileen Carol Wuornos.
Ka dib caruurnimo xun oo ay soo martay, hooyadeedna ay ka tagtay Aileen waxa ay gashay mid ka mid ah dambiyadii ugu foosha xumaa iyadoo dishay 7 rag muddo labo sano gudahood.
Haweeneydan oo ka soo jeeda Mareykanka ayaa qiratay falalka dilka, waxa ayna bixisay wareysi ka hor inta aan lagu toogan Cirbadda dimashada oo ah (daawo qofka dileys ilmarka lagu mudo).
Wuornos ,Saacadihii dhimashadeyda hor, waxa ay wareysigii ugu dambeeyey ku sheegtay mowqifkeeda ku aadan Dhimashada iyadoo faraha eedda ku taagtay booliska, waxeyna ku andacootay in askartii ilaalineysay xabsiga ay qashqashaadeen, waxeyna sheegtay in ay tahay qof neceb bani,aadmiga, iyadoo tiri waxaan sii wadi doonaa dilka hadii aan xabsiga ka baxo.