Daraasad..Mombaay Iyo Muqdisho Deris Ayey Noqon doonaan 200 Sano Oo Milyan Gudahood !

-

Daraasad lagu daabacay Joornaalka “Ameerikaan Joornal of Saynis (American Journal Of Science )” waxa ay saadaalineysa In Muqdisho ay u guuri doonto Aasiya , iyada oo ay isku darmi doonaan Soomaaliya iyo Xeebaha Galbeed ee Hindiya.


XAQIIQO NEWS- SAYNIS

Sida ku jirta warbixinta, Soomaaliya iyo Madagaskar ayaa ka go’i doonaan qaaradda Afrika iyaga oo ku darmi doona Hindiya, waxaa kale oo Jiyoolaji-yahanada ay saadaalinayaan in ay sameysi doonaan silsilado buuro ah oo lagu magacaabo “Somalaaya” kuwaasi oo la rajeynaayo in badalaan Himilaayada aan maanta naqaano.

Barfasoor Douwe van Hinsbergen oo ka tirsan Jmaacadda Yuutarekt (utrecht university) kaasi oo hogaaminaayey cilmi baaristan ayaa sheegay in baaritaano ay ku sameeyaan taariikhda guurguurka dhulka ay u hogaamisay in ay soo saaran cilmi baaristan.

Daraasadda Cusub waxa ay xustay in ay mataano noqon doonaan magaalooyinka Muqdisho caasimadda Soomaaliya iyo Mombaay oo ah xarunta ganacsiga Hindiya.

Somalaaya Buurta Aduunka Ugu Dheer

200 oo milyan oo sano ka dib, buurta Somalaaya ayaa sameysmi doonto sida ku jirtay sadaasha cilmi baarista, waxa ayna leeyihiin silsiladaha buurta Somalaaya ay booska kala bixi doono Himilaayada aan maanta naqaan.

Madagaskar, Hindiya iyo Soomaaliya oo hadda ku kala yaalla qaarado kala duwan islamarkaan kala fog kumanaan Kiilomitir ayaa sadaashu ku warameysaa in noqon doonaan hal qaarad.

Saynisyahanada waxa ay leeyihiin ma jirto qaarad sideeda iska ahaan doonto, waxaana la sheegaa in Hindiya lafteed ay horay uga go’day Madagaskar 90 Milyan oo sano ka hor.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...