Shumiska ama dhunkashada waxaa lagu tilmaamaa waxyaabaha asaasiga ah ee muhiimka u ah ban’aadamka. waana qaab qof uu ku soo bandhigo jaceylka uu u qabo laamanahiisa ama xitaa qof ka mid ah qaraabadiisa.
XAQIIQO NEWS- SAYNIS/CAAFIMAAD
Webseetka arimaha caafimaadka wax ka qora ee “Healthline” ayaa qoray faa’idooyin dhowr ah oo dhaqaatiirta iyo culimada nafta ay ku sheegeen in uu leeyahay shumiska, waxaana ka mid ah.
-Caafimaadka Ilkaha Ayuu Xoojiyaa
Shumiska waxa uu qeyb ka qaataa ilaalinta caafimaadka ilkaha maxaa yeelay waxa uu badiyaa soo deynta dhareerka, taasi oo ilkaha ka caawineysa in ay ka takhalusaan bakteeriyada dhibka geysata.
-Dib u dhigista duqnimada iyo hagaajinta Muudka
Shumiska ayaa ka qeyb qaata xoojinta difaaca jirka ee ka dhanka ah cudurada, waxaa kale uu shumiska ka hortagaa duqnimada maqaarka, isaga oo sidoo kale qofka ka caawiya in uu dareemo amaan taasi oo hagaajineysa muudka qofka.
Sida Xaqiiqonews ay soo tarjuntay shumiska ayaa xoojiya murqaha afka, waxaa kale uu qofka ka caawiytaa hamuunta galmada iyo miisaan dhimista.
-Waxa uu Badiyaa Hoormoonka Farxadda
Shumiska ayaa kiciya maadooyinka kimikooyinka ah ee qofka ku saacida in uu dareemo reereyn, maadooyinkaas waxaa ka mid ah Oxytocin, dopamine iyo serotonin kuwaasi oo kaa dhigaya qof dareemaya jawi raaxo ah, dhanka kale shumiska waxa uu dhimaa hoormoonka cortisol (Hoormoonka Istareeska).
Hoos U Dhigista Cadaadiska Dhiigga
Shumiska ayaa ka qeyb qaata in ay fidaaan haamaha dhiigga qaada taasi oo suuragal ka dhigeysa hoos u dhicadda dhiig karka, si taasi la mid ah shumiska ayaa kordhiya karaaca wadnaha markii ay fidaan xidida dhiigga qaada, sida laga soo xigtay Andrea Demirjian oo ah haweeneyda qortay buugga ciwaankiisu yahay ” Kissing: Everything You Ever Wanted to Know about One of Life’s Sweetest Pleasures”.