Teestada waxa ay laacibiinta kubadda cagta u tahay muhiim hase ahaatee daraasad cusub oo dhawaan la sameeyey waxa ay ka digeysaa haslista kubadda ay ku reebi karto maskaxda.
XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD
Daraasaddan oo ay sameysay xarunta cilmi baarista dhaawacyada kubadda cagta ee Oslo (Oslo Center for Sports Trauma Research) ayaa waxaa baaritaan lagu sameeyey dhiig laga qaaday 89 ciyaaryahan oo xirafadooda taahy kubadda cagta kuwaasi oo joogay Narway islamarkaana ay da’dooda u dhaxeysay 35 ilaa 18 sano.
Daraasadda oo natiijadeedu lagu baahiyey majaladda “xanuunada maskaxda” ayaa waxaa lagu ogaaday in teestada kubadda iyo jugta kale ee aan loo qasdin ee madaxa ay waxyeelo u geysanayaan qeyb maskaxda ka mid ah oo loo yaqaan microRNA, waana meel muhiimu ah fariimaha maskaxda ay u dirto qeybaha kale ee jirka.
Stian Bar Sandmo oo ka tiran xarunta cilmibaarista dhaawacyada kubadda ee Oslo ayaa yiri “tani waa natiijo horudhac ah dhiig kooban ayaana qaadnay, laakiin baaritaanada mustaqbalka marka howsha balaarino waxaan rajeyneynaa in si fiican loo ogaan doono saameynta jugta kubadda ay ku reebto madaxada, madaama malaayiin dadyow ah oo dunida jooga ay ciyaaraan kubadda cagta, arintani waxa ay noqoneysaa mid saameyn ku yeelata caafimaadka guud”.