DEG DEG: Nabadoon caan ah oo goordhow lagu qaarajiyay magaalada Muqdisho

La Wadaag Asxaabtaada

Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in salaadii maqrib kadib gudaha degmadaas lagu dilay mid ahaa Nabadoonada Soomaliyeed.
Nabadoon Muuse Ilka-weyne oo kamid ahaa Nabadoonada Soomaliyeed ayaa lagu dilay xafadda Suuqa Weyn ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir xili uu kasoo baxay Salaadii Maqrib sida laga soo xigtay dad halkaas ku sugnaa.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaa durbadii gaaray Ciidamada dowlada Soomaliya oo goobta ka sameeyay baaritaano, lama ogo cida loo soo qabtay dilka.
Dhorkii maalin aynu soo dhaafnay muqdisho waxaa ka dhacayay dilal loo geystay Nabadoonada Soomaliyeed oo intooda badan kasoo laabtay xarumaha maamul goboleedyada oo xildhibaanada laga soo doortay.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada