DEG DEG: Wariyaasha muqdisho oo goordhaw loogu yeeray xafiiska Xasan Kheyre# waxaa lagu wadaa in……

-

Suxufiyiinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa goordhow looga yeeray Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre.
Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha u qaabilsan qaybta warbaahinta, ayaa ugu yeeray Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho in si deg deg ahi ay ku yimaadaan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.
Suxufiyiinta, ayaan loo sheegin ujeedada ka dambeysa yeeristooda, balse waxay tani ku soo aadaysaa, xilli dhegta loo wada taagayo magacaabista Golaha Wasiirada ee Xukuumadda.
Ra’iisal Wasaare Khayre, ayaa waxay dadka Somaliyeed ka dhawrayan in uu soo magacaabo xukuumad tayo leh, inkastoo aanay jirin cid hadda sheegi karta nooca ay noqon doonto xukuumadiisan cusub.
Hase yeeshee waxay dadka qaarkood saadaal ka bixinayan in Golaha Wasiirada, ay ka soo muuqan doonaan xubno ka tirsan Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii Cumar C/rashiid iyo in Wasiirada qaarkood ka imaan doonaan Baarlamaanka.
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa 23-kii bishii February soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Khayre, isagoona magacaabistiisa ku saleeyay isagoo uu u arkay shakhsi ay wada shaqayn karayan.
Mr. Khayre waxaa uu toddobaad ka dib magacaabistiisii uu codka kalsoonida ka helay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.
WIXII SOO KORDHA KALA SOCO XAQIIQONEWS.COM

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...