DEG DEG: Wariye Coldoon oo goordhow dib uhelay Xoriyadiisa & Somaliland oo war kasoo saartay

La Wadaag Asxaabtaada

Wararka ka imaanaya magaalada hargeysa ayaa ku waramaya in Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Todobaadyadii ugu dambeeyay ku xirnaa xabsiga Magaalada Hargeysa uu saakay dib u helay xuriyadiisa.
Amar kasoo baxay Xukuumadda Somali-land ayaa lagu sii daayay wariyaha oo dhowrkii maalin aynu soo dhaafnay ku xirnaa saldhiga magaalada Hargeysa, kadib markii lagu xiray garoonka diyaaradaha magaaladaas.
Wariyaha ayaa lagu eedeeyay xiligaas in uu waday kicin dadweyne islamarkaana uu la kulmay madaxda ugu sareysa dowladda federaalka Soomaliya xili uu safar ku yimid Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada