DEG DEG: Wiil uu dhalay mas,uul dowladda ka tirsan oo lagu afduubtay magaalada…..

La Wadaag Asxaabtaada

Wararka inaga soo gaaray Degmaada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in KOOXO Hubeysan ay Hoygiisa kala baxeen Wiil uu dhalay Guddoomiyihii Hore ee Degmadaasi C/llaahi Cabdi Axmed “Iideey”.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Maleeshiyadda hubeysan aysan garaneyn sababta ay u afduubteen iyo halka ay la’aadeen.
Wiilka la Afduubtay ee uu dhalay Guddoomiyihii hore Afgooye ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim C/llaahi Cabdi Axmed oo dadiisa lagu qayaasa dhowr iyo labaatan jir.
Maleeshiyadda Afduubka geystay ayaa sidoo kale dhaawac u geystay laba qof oo ka mid ah shacabka degmada afgooye oo midi ay haweney aheyd kuwaa oo la geeyay xarumaha caafimaadka ee degmada.
Al-Shabaab ayaa horey u dilay Guddoomiyihii Degmada Afgooye AUN C/llaahi Iideey xili uu ka dukaameysanayay Bartamaha Suuqa Degmada Afgoye.
Maamulka Degmada Afgooye iyo Saraakiisha Amaanka Gobolka Shabellaha Hoose iyo kan K/galbeed weli wax war ah kama soo saarin Afduubka loo geystay Wiilka uu dhalay Guddoomiyihii hore ee Afgooye
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada