Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay inay kordheen tirada dadka ay u karantiileen cudurka ku faafaya caalamka ee Coronavirus.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Dhamaan dadka Df-ka ay heyso ayaa ka yimid waddamo si aad ah uu cudurka ugu faafsanyahay, waxaana la sheegay in loo taxaabay qolka caafimaadka si halkaasi loogu karantiilo muddo 14 maalmood ah.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa markii ugu horreysay shalay ku dhowaaqday in cudurka Coronavirus uu yahay “Pandemic”, oo macnaheedu yahay cudur isaga faafa dalalka.
Sidoo Kale Aqri..3 Fitamiin Oo Kaa Ilaalineysa Fayruska Karoona
Dalalka ugu badan ee cudurkan uu saameeyey ayaa kala ah Shiinaha, Taliyaaniga iyo Iiraan.