Df-ka Oo Dharka Ka Dhigtay Taaladii X.Taako..Sabab?

La Wadaag Asxaabtaada

Df-ka ayaa dib u dhistay “taalooyinka” Axmed gurey, Xaawo Taako, Sayidka, Dhagaxtuur iyo Macalin Jaamac.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Olalahan Farmaajo ee dib u soo nooleynta taariikhdii hore ayaa isku badalay dhulgariir cabirkiisu yaryahay oo ruxay baraha bulshada Soomaalida oo siyaabo kala duwan u fasirtay falkani cusub.

Xilli waqtigiisa ay ka harsantahay oo kaliya bilooyin ayuu ku dhaqaaqay fal u muuqday baraarug balse dhanka kale loo fasiran karo in uu yahay “olale doorasho”.

Axmed Gurey Oo Muqdisho Lagu arkay.

Taaladii hore ee Imaam Axmed Gurey ayaa markale dib loo suray Iskoyska KM4 ee Muqdisho, Iyadoo la arkaayey dadweyne baabuurta dhaxdeeda ka soo fiirinaaya isbadalkan Cusub, halka kuwa kale oo laamiga lugeynayana ay u istageen in ay daawadaan taalada, waxaadba u maleysaa in Axmed Gurey oo nool uu Muqdisho yimid.

Sidoo Kale waxaa dib loo suray Taalooyinkii Sayidka, Dhagaxtuur iyo Macalin Jaaamac,.

Taalada Xaawo Taako Oo Lagu Murmay

Bog Facebook ah oo aruuriya taariikhda Soomaalidii hore “Somali Archive” ayaa baahiyey muuqaal gaaban oo sawiraya taaladii hore ee Xaawo Taako.

Bogga ayaa lagu soo qoray “waan soo dhaweyneynaa in dib loo dhiso taaladii Xaawo Taako inkastoo ay fiicneyd in dharkii loo daayo”

Gabar ka mid ah dadka Fikirkooda dhiibtay ayaa tiri “xaawo Taako Ma Sidan ayey aheyd, Maxey tahay qoftan qaawan?

Inkastoo dadk ay sameynayaan guux badan, dhankeeda DF-ka ayaa isku aragta in ay qabatay arin muhiim ah madaama ay dib u soo nooleysay taariikha Halgamayaashii hore ee Soomaaliya.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada