DF-ka Wey Burbureysaa.. Laakiin Waa kuwee Daalibaanta Badali Lahaa!

-

Inta ugu badan Aduunka waxa ay ka fikirayaan sida uu noqon doono mustaqablka Afghaan, hase ahaatee Soomaalida waxa ay is weydiinayaan mustaqbalka Soomaaliya ka dib wixii ka dhacay Afghanistaan.


XAQIIQO NEWS- FIKRADAHA

Cod dheer aan ku sheekno Soomaaliya iyo Afghanistaan waxa ay ka siman yihiin

  • Dowlado taag daran oo masuq maasuq badan
  • jabhado diimeed islaamiyiin ah dowladda la dagaalamaya
  • ciidamo shisheeye oo fara badan
  • iyo dagaalada Sokeeye oo duruufahan dhalay ee labadan dalba ka dhacay sagaashameeyada

Sidaa darteed marka aad u fiirsato sida labada wadan isku egyihiin dhinac walbo, ka dib wixii ka dhacay Afghanistaan xaqbey u leeyihiin soomaalida in ay ka walwalaan: maxaa nagu soo socda?

Afghanistaan Bilaa Daalibaan Ah

Waxa aan ku raacsanahay qof walbo oo sadaaliyey in dowladda qabyaaladda ku dhisan ee Soomaaliya ay burburi doonto, aamin ama ha aaminin, arintaasi waa lagama maarmaan hadii aysan wax iska badalin sida ay wax yihiin.

Sidoo Kale Aqri: Wasiir DF-ka Ka Tirsan Oo Sidan Uga Hadlay Guusha Daalibaan

Meel ku qora warkan: dowladda Soomaaliya ku dhisan waxa ay burburi doontaa hadii ay baxaan ciidanka shisheeyaha ee ilaaliya, balse waxaa is weydiina mudan yaa badali kara?

Warkeyga aan cadeeyo, Al-shabaab waa loo filan karaa , anigase shaqsi ahaan waan ka shakisanahay in ay noqon karaan sida Daalibaan sababo badan oo aan ka xusi karo kuwan soo socda:

Al-Qaacida: Al-shabaab waxa ay beeco kula jiraan AL-qaacidda, taasi oo saameyn ku yeelaneysa go’aanada ay qaadanayaan,badalkeeda kooxda Daalibaan xitaa iyaga oo xiriir saaxibnimo iyo martigelin u sameeyey marna ma aysan ku biirin shabakadda Al-Qaacidda.

Ka mid noqoshada Al-shabaab ee ururka al-qaacidda waxa ay noqon kartaa caqabad Al-shabaab ka hor istaagta heshiisyo iyo wada hadallo ay la galaan dowladaha shisheeya ee Al-shabaab kula dagaalama Soomaaliya.

Siyaasad Ahaan: Mid ka mid ahaa hogaamiyaasha Daalibaan oo su’aal laga weydiiyey siyaasadda Daalibaan waxa uu yiri “Daalibaan ma ahan sidii 2001, daalibaanta 2021 waxa ay leedahay khibrad badan, waxaana diyaar u nahay wada hadal iyo dagaal isla socda”.

AL-shabaab wili uma muuqdaan wax isbadal oo siyaasadooda ku yimid marka laga reebo hogaamiyaashooda oo is badalay, tan 2006 madaxda Al-shabaab waxa ay xal ku soo koobeen oo kaliya “qori afkiis”.

Kor iyo hoos, waa arin macquul ah Soomaaliya iyo Afghanistaan waa isku mid dhinacyada badan marka laga fiiryo, laakiin waxaa ay su’aasha ka taagan tahay waa kuwee daalibaanta Soomaaliya?

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...