Nin Turki ah ayaa rasaas iskaga furay lugta si gama ah, ka dib markii uu dhowr jeer rasaas cirka u riday si uu ugu dabaaldegga bisha Ramadaan.
Ninka ayaa isla markiiba loo wareejiyay Isbitaalka dawladda ee Ataturk si loogu daaweeyo, iyadoo askar loo diray tuulada dhibka ka dhacay , si loo xoojiyo ammaanka goobta.
Bilayska Turkiga ayaa xaqiijiyay in tallaabo sharci ah laga qaaday 10 qof oo degaanka ah oo la sheegay in ay hawada u gameen rasaas.
Inkasta oo ay mamnuuc tahay in la toogto hawada, inta badan waa caadi marka la joogo xafladaha dadwaynaha ee ka dhaca meelaha Turkiga ee baadiyaha ah.