DHACDO CAJIIB AH:Nin guursaday Ardayad,Macalimadeeda,Maamuilihii iskoolka iyo waliba….

La Wadaag Asxaabtaada

Wargeyska AL_YAMAMAH ee ka soo baxa sacuudiga ayaa qoray warbixin cajiib ah oo si weyn baraha bulshada u qabsatay
Arintan ayaa aheyd markii wargeyska uu soo bandhigay Warabixin wareysi cajiib oo lala yeeshay macalimad iskool.
Macalimadda ayaa ka sheegeysay arin ka yaabsatay dad badan oo u dhashay sacuudiga iyo dadka dunida kale.
macalimadda ayaa sheegeysay in ninkeeda oo 52 jir ah uu hal mar wada guursaday afar gabdhood oo kala ah gabar ardayad ah macalimadii gabartaasi wax bari jirtay(oo iyada ah) gabadhii maamulaha iskoolka ka aheyd iyo waliba gabar iyaduna kormoore ka aheyd iskooklka dhacdadaasi oo fajac ku noqotay kumanaan dad ah oo dhacdada aqristay ama maqlay.
Macalimaddani oo markii wareysiga ay bixineysay ay ka muuqatay farxad badan ayaa sheegtay in ay iyadu qudheeda la yaabantahay qaabka ay wax u dhaceen.
Dhacadadani cajiibka badan ayaa ka dhacday gobolka jiizaan ee ka tirsan sacuudiga iyadoo macalimadda wareysiga bixisayna ay sheegtay qaabbka uu guurka u dhacay” marka hore waxa uu guursaday ardayadda ka dibna aniga iyo maamulaha iyo kormeraha ayaa hal mar uu na kulmiyey haddaneh waxa an ku noolnahay nolol wanaagsan ” ayey tiri macalimadda.
Wargeyska ma uusana soo gudbin magacyada afarta haween iyo ninkaba sidoo kale waxaa uu wargeyska sheegay in ay ka gaabsdeen in wax sawirro ah laga qaado

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada