Dhacdo dad badan ka naxeen oo ka dhacday suuqa bakaaraha#faafaahin

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]Kooxo hubeysan ayaa goordhow magaalada Muqdisho ku khaarijiyay Ganacsade Caan ah oo inta badan laga garanayo magaalada Muqdisho.

Kooxdani ayaa dilka Ganacsadaha ka dhex fuliyay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana dilka kadib halkaasi ka baxsaday Kooxihii dilka geystay.

Ganacsadaha la khaarijiyay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cismaan Aadan Qalab Xoor oo ka mid ahaa Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha, kana dhashay reerka caanka ka ah Muqdisho ee Qalab Xoor.

Cismaan Aadan Qalab Xoor ayaa sidoo kale billowgii toddobaadkii tagay ka badbaaday Qarax loogu xiray Gaarigiisa, waxaana xigtay in goor dhow lagu dilo toogasho.

Arrintan ayaa muujineysa in Cusmaan Aadan Qalab Xoor muddo ay ugaarsaneysay kooxda dilka gaystay oo weli aan la aqoon cidda ay yihiin.

Dilkan ayaa cabsi iyo naxdin ka dhax abuuray gacansatada suuqa bakaaraha oo wajahaya duulaan aad u fara badan.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA