DHACDO:Aabo Dilay Gabdhiisa ka dib Markii ay soo iibsatay Dhar Ciid aad u qaali ah

Aabahan oo ka tagay dhamaan dareenkii bani aadinimo ayaa si xun u dilay gabdhiisa oo aheyd 8 sano jir ka dib markii uu ogaaday in ay dhar ciid ku soo gadatay dhamaan lacagihii uu u helay(xaqul ciid ahaan) oo gaaraeysay 50 (konton)pounds

Aabahan oo ahaa nin shaqo la,aan ah ayaa helay dhawaan lacag dhan konton pounds ciid ciid darteed balse arinta ku qasabtay in uu dilo gabadhiisa ayaa aheyd in uu ogaaday in gabi ahaanba lacagtii uu ciid ahaan u helay in ay isticmaashay gabadhiisa yar ee lagu magacaabo(Riyad) oo 8 sano jir ah arintaasi oo sababtay ugu danbeyn dhacdadan murugada badan ee ah in gabi ahaanba “Riyad” noolasheeda la soo gabagabeeyo sabab la xariirta dharka ciida ay soo gadatay oo aad qaali u ahaa.

Booliska Masar ayaa ka dib gacanta ku soo dhigay eedeysanaha (Sayid xantira) oo ah 29 jirka dilay gabadiisa iyadoo booliska markii ay su,aala weydiyeena uu ku adkeystay in dhacdada ay aheyd mid aan ula kac aheyn isagoo sheegay in uu doonaayey in uu Canaanto oo kaliya balse uusan dooneyn in uu dilo.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA