Dhagaxii Ceel Cali Waxa Uu Dhulka Ku Soo dhacay 50,000 Sano Ka Hor!

-

Sida ay lagu ogaaday baritaano ay si wada jir ah u fuliyeen jaamacadda almaas ee magaalada Muqdisho iyo baarayaal caalami ah, dhagixii sanadkii hore Ceel Cali laga soo qaaday ayaa ahaa Nayzik dhulka ku soo dhacay qiyaastii 50,000 oo sano ka hor.


XAQIIQO NEWS- XIDDIGISKA

Bilowgii sanadkii 2020, ganacsato reer Ceel Cali ah oo garabsanaya maamulka Al-shabaab ee magaalada ka arimaya ayaa baabuur wiish ah ku soo qaaday dhagax weyn oo halkaasi caan ka ahaa.

Dhagaxa oo qiyaastii culeyskii ahaa 30 tan ayaa baaritaano markii dambe lagu sameeyey la ogaaday in u ahaa nayzik( sheydaan rid) cirka ka soo dhacay 50,000 oo sano ka hor.

Baaritaanka waxa lagu sameeyey gabalo laga jaray dhagaxa, iyada oo baarayaasha ay falanqeyn ku sameeyeen midibka ramaadiga ah ee dhagaxa.

Baarayaasha ayaa sheegay in Nayaazikta cusub midibkooda uu yahay madow madaama uu ku cusub yahay gubitaankii ku dhacay dhagaxa marka uu soo galay jawiga dhulka, laakiin Nayaazikta iyada ay ugu wacantahay falgalka ay la sameynayaan macaadinta kale ee dhulka ayaa marka ay muddo dhulka yaalaan waxa ay qataan midib ramaadiga ah.

Celcelis ahaan halkii garaam oo ka mid ah dhagaxa Nayzikta, waxa uu ku kacayaa qiimo dhan kun doolar, taasi oo ka dhigan in 30-kii tan ay ku kaceyso qiimo aan ka yareyn qiyaastii 100 Milyan oo doolar.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...