Dhageys..Alshabaab Oo Sheegtay Qaraxii Ex-Koontarool !

-

Ururka Alshabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadashay qaraxii dhimashada badnaa ee Ex, iyagoo dadkii halkaasi ku dhintay ku tilmaamay Shuhado.


Xaqiiqonews-Wararka

Afhayeenka rasmiga ah ee Alshabaab Shiikh Cali dhaare ayaa sheegay in qaraxii Ex uu ahaa qarax “qaldamay” isagoo sheegay in ay ka xun yihiin dadkii ku dhintay halkaasi.

Cali dheere ayaa sheegay in iyagu ka dambeeyeen qaraxii Ex, balse u jeedadu ay aheyd Ciidanka Turkiga hase ahaatee mashquul badan darteed uu ku qasbanaaday in uu naftii huraha halkaasi isku qarxiyo-sida uu hadalka u dhigay

Sirdoonka DF-ka NISA ayaa dhawaan shaacisay in dowlad shisheeye ay ku lug leedahay qaraxii Ekis, arintaasi oo Alshabaab ku qasabtay in ay hadlaan.

Waxaa jira su’aalo badan oo ka dhalan kara hadalka Alshabaab, sida maxay ula soo daaheen sheekashada,?Maxay sheekashadooda ugu soo aadiyeen hadalka NISA ka dib? sidee Alshabaab u xaal marin doonaan dhibanayaashii ex iyo kuwa kale badan.

Qaraxii Ex oo dhacay 28 diseembar 2019 ayaa ka mid ahaa qaraxyada ugu khasaaraha badnaa ee Magaalada Muqdisho ka dhaca, waxaana ku dhimatay in ka badan 100, halka ay ku dhaawcmeen dad ku dhaw 100.

Halkan hooseka dhageyso Codka Cali dheere

Wararka U Dambeeyey

Muuqaal..Maxay Rakaabkan Diyaaradda U Riixayaan?

Muuqaal ka mid ah kuwa ugu cajiibsan, dalka Nepal waxaa baraha bulshada lagu baahiyey diyaarad ay rakaabka dabada ka...

Hadii Aad Aragto Riyooyinkan..Dhaqso Dhaqtar U Tag

Khubarro ka tirsan xarunta "Sleep cycle center" ee fadhigeedu yahay gobolka Teksas ee Mareykanka ayaa sheegay in riyada ay...

Dilka Shacabka Oo Lagu Tartamaayo!

Rasaasta ciidanka Df-ka ayaa dishay 3 qof oo shacab ah gudaha magaalada Muqdisho, halka gantaal hoobiye ah oo ...

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...