DHAGEYSO: alshabab waxaan la dagaalsanahay shacabka soomaaliyeed afarta sano ee farmaajo

-

Markii ugu horraysay x Shabaab ayaa war rasmi ah kasoo saartay Doorashada Max’med Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxweynaha dowlada Federaalka.

Sheekh Xasan Yacquub Cali oo kamid ah Mas’uuliyiinta Al Shabaab ayaa sheegay in Farmaajo uu lamid yahay hoggaamiyaashii horay usoo maray dowladda Federaalka islamarkaana uuba ka daranyahay marka loo eego in uu yahay muwaadin Mareykan ah islamarkaana reer galbeedku ay dibadda kusoo tababareen si uu cadowga ugu gacan geliyo dhulka soomaaliyeed” waa sida uu hadalka u dhigaye

“Annagu Haddaan muslimiin nahay waxaan leenahay Miizaan ama halbeeg aan wax ku cabirno, qof kasta oo khilaafa halbeegaasi shareecada islaamku jidaysay buudka ayaa lagula tumanayaan waana lala dirirayaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Al Shabaab waxay ka dhawaajisay in Farmaajo uu waxyaaba badan uga khatar badanyahay madaxweynayaashii Soomaaliya soo maray marka loo eego dhanka dhaqanka iyo diin naceybka.

“Farmaajo kufri iyo gaalnimo ayuu wadaa isaga ayaana ka shar badan kuwii hore oo dhihi jiray waxaan ka shaqeynaynaa danta dalka dadka iyo diinta, balse Farmaajo Tabeelihiisa waxaa ugu qoran danta dalka iyo dadka  wuxuu yiri wax diin layiraahdo iga fogeeya” Xasan Yacquub ayaa sidaa yiri xili uu ka hadlaayey guushii farmaajo.

Mas’uulkan u hadlay Al Shabaab ayaa carrabka ku adkeeyay in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan DF-ka iyo ciidamada AMISOM isagoona shacabka Soomaalida uga digay in ay ku dagmaan dhagaraha cusub ee Farmaajo adeegsanayo isagoo carabaabay in iskusoo baxyadii Farmaajo lagu taageerayay ee Muqdisho ka dhacay ay soo abaabuleen NGO-yo dhaqaale lagusiiyay buun buuninta mashruuciisii cusub.

  “waxaan rabnaa in aan sheegno.. muslimiintu waa in aysan ku kadsoomin waa in ay ogaadaan in waxaan isbedelaya yihiin gaal degaya iyo gaal imaanaya, waa gaal degaya oo gaal kale oo kasii daran lagu bedelayo..mid kaafir ah ayaa imaanaya afar sano ayuu joogaa waxaa imaanaya kaafir kale oo kasii daran ayaa la keenayaa hadda midka ugu dambeeyay oo gaaladu ay keeneen midka ugu sharta badan weeye” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xassan Yacquub oo hadalasiia wax badan laga dheehanayey.

Wuxuu tusaale usoo qaatay in Gole ay leeyihiin Soomaalida kirishtaanka ay si diirran usoo dhoweeyeen dowladda Farmaajo arrinkaasi oo aan horay u dhicin.

Al Shabaab waxay shacabka Soomaaliyeed uga digtay in ay ku kadsoomaan maamulka Farmaajo ee u caysan Itoobiya iyo reergalbeedka.

Xassan Yacquub wuxuu sheegay in xilligii Shariif Sh.Axmed xukunka qabtay ay ku dagmeen qabiillada qaar sida Jufada Agoonyar Abgaal oo dagaal aan dantooda aheyn la geliyay islamarkaana 4,000 oo wiil dagaallada looga dilay.

Sidaas si lamid ah Xassan Gurguurte ayaa isku dayayay in uu dagaalka geliyay beesha Waceysle Abgaal ee uu ka dhashay balse markii Itoobiyaanku Galguduud geeyeen maleeshiyaadkii lasoo khalday dagaal kadib ayay isdaba qabteen oo ay ka joogsadeen in ay xaabo unoqdaan mashruuc shakhsiyadeed oo cadowgu gadaal kasoo riixayay.

“Afar sano oo Farmaajo u dhiman  yaan lagu halgaasamin, cid allaale ciddii Farjaamo raacda waa lalaynayaa, qabiilkii Farmaajo raaca ama ciddii dana kale ku raacda waa lalaynayaa, mujaahidiintu waa idiin digayaan Nin kuu digay kumuu dilin” ayuu markale yiri Sheekh Xassan Yacquub.

Mas’uulkan ayaa soo hadal qaaday in Farmaajo uusan aheyn muwaadin soomaaliyeed balse uu yahay muwaadin Mareykan ah wuxuuna ku celceliyay in Farmaajo uu yahay midka ugu sharta badan dhanka akhlaaqda iyo diinta marka loo eego hoggaamiyaashii Dowladda Federaalka soo maray.

Xarakada ayaa soo sardisay khaladaadkii ugu horreeyay ee uu Farmaajo ku dhaqaaqay sida kulamadii uu layeeshay Jeneraal Gabre madaxa sirdoonka Itoobiya ee Soomaaliya ,safiirka Turkiga ee Muqdisho  iyo safiirka Mareykanka iyo hadalkiisi ahaa in ciidamada AMISOM ay dalka sii joogayaan inta laga dhisayo ciidan Soomaaliyeed!.

Ugu Dambeyn Xarakada Al Shabaab waxay si cad u sheegtay in Farmaajo ay kula tacaamulayso sidii ay ula tacaamushay dowladihii ay madaxda ka ahaayeen C/llaahi Yuusuf, Shariif  Sheekh Axmed iyo Xasan sheikh maxamuud.
HALKAN KA DHAGEYSO CODKA SH. XASAN YACQUUB
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...