Cali dheere waxa uu ka mid ahaa ragii isku qarxiyey Otto Ottowaxaa uuna duubay fariin dardaaran ah ka hor inta uusan is qarxanin, wereysi ayuuna siiyey idaacada Andulus ee codka Alshabaab ku hadasho.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
ali ibraahim Macalim Aadan oo ku magac dheer Cali dheere waa mid ka mid ah raggii fuliyay weerarkaasi oo ay Al-Shabaab ku tilmaameen inuu ahaa Halyeey Geesi ah,Wuxuu ahaa 31 jir ka soo jeeda beesha Hadame ee degta Gobollada Baay iyo Baay.
Wareysi gaar ah oo uu siiyey Idaacadda Afka Al-Shabaab ku hadasha ee Andalus, ka hor inta uusan u dhaqaaqin howlgalka ayuu Cali Ibraahim Macalim sheegay in howlgalkiisu uu yahay mid lagu ajiibayo baaqa Allaah ee ah in lagu dagaalamo jidkiisa, lana beegsado gaalada meel waliba oo lagu helo-sida uu hadalka u dhigay
“Waa in gaalada dagaalka lagu laba jibaaro, haddii ay gaaladu ay dareemaan kala go’ ku yimaada dagaalka waxay dareemayaan kibir sidaas darteed maadama ay joogaan rag markasta diyaar u ah nafhurka waxaa la doonayaa in ragga la diyaariyo oo aysan gaaladu nasan” ayuu yiri Cali dheere oo codkiisa laga maqlay barnaamij Propoganda oo Andulus ay ka diyaarisay weerarkii Otto Otto.
Halkan ka dhageyso codka oo MP3 ah