Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay ka dhacay xarunta degmada Wadajir ayaa saameyntisa laga dareemayaa qeybo badan oo katirsan Muqdisho.
Hadal heynta shacabka ayaa ah fashilka dowladda Federaalka ka heysta sugidda ammaanka degmooyinka Banaadir xilli kumanaan askar loo xil saaray ka hortagga weerarada Xarakada Al Shabaab.
R/wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Kheyre, ayaa weli wada qorashayaasha dowladda ku dooneysa in ay ka dhaadhiciso aduunka in muqdisho amaan tahay isagoo si joogta u iskaga soo duuba muuqalo muujinaya is dhaxgalka dadweynaha iyo dowladda.
Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Al Shabaab ayaa baahisay wareysi ay la yeelatay ruuxii fuliyay weerarkii xarunta degmada Wadajir
Halkan ka dhageyso Wareysiga+warbxin au shabaab diyaariyeen