Dhageyso: sheikh caan ah oo alshabab ka tirsanaa in muddo ahna aamusnaa oo hadlay#ogow ma sheikh fu,aad mise mukhtaar roobow?

La Wadaag Asxaabtaada

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Isagoo Fagaare kuyaal degaanka Salagle kula hadlayay boqolaal qof oo shacab ayuu Sheekh Fu’aad Max’med Khalaf ka hadlay dagaalka ciidamada AMISOM

Sheekh Fu’aad oo katirsan Saraakiisha Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray duullaanka lagusoo qaaday Soomaaliya uu marayo marxalad fashil ah islamarkaana shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay isbarbar taagaan Mujaahidiinta waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu soo hadal qaaday goodiskii ka yimid Donald Trump Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka ee ahaa in uu aag dagaal ka sameynayo dalka Soomaaliya gaar ahaan gobollada ay maamusho Xarakada Al Shabaab wuxuuna qorshahaas ku tilmaamay mid qar iska xoornimo ah.

Sheekh Fu’aad ayaa adkeeyay in marxaladdan ay dib ugurasho bilaabeen waxa uu ku tilmaamay ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Itoobiya kadib dhiig bax sanado qaatay ayuu yiri oo ay kala kulmeen dagaalka Soomaaliya wuxuuna rajeeyay in waqtiyada soo socda ay guulo kasoo bidhaami doonaan gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka.
halkan riix si aad u dhageysato codka sheikh fu,aad
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada