DHAGEYSO+SAWIRRO: beesha abgaal cismaan oo hub ku wareejisay al-shabab iyo wax garad abgaal ah oo ka hadlay sababta

La Wadaag Asxaabtaada

Kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh/dhexe ayna kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin iyo odayaal dhaqameedyo ayaa xarakada Al Shabaab lagu wareejiyay hub iyo dhaqaala farabadan.

Beesha Abgaal Cismaan oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa 100 qori AK47 ah iyo lacago Boqolaal malyan shilin Soomaali ah ku wareejisay xarakada Shabaab.

Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade oo ah waaliga Sh/dhexe iyo imaamka guud ee Beesha Abgaal ayaa munaasabadda ka sheegay in beesha Abgaal hadda wixii ka dambeeya ay garab taagantahay halganka Jihaadka ah ee ka socda Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeeen.

Beesha Abgaal ayaa Al Shabaab ugacan gelisay 100 qori AK47 cuseyb ah oo halkii qori lagasoo bixiyay lacag dhan 1800 dollar sida uu xaqiijiyay Yuusuf Ciise Kaba Kutukade.

Sidoo kale beesha Abgaal ayaa Xarakada Al Shabaab ku wareejisay Afar Boqol oo Milyan Shilin Soomaali ah.

Waxgaradka Beesha Abgaal waxay sheegeen in waqtiyadii ay xilalka madaxtinimo hayeen Xassan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sh.Axmed ay dhalinyarada beesha geliyeen dagaallo halaag sababay balse wixii hadda ka dambeeya aysan beeshu ku dagmi doonin shirqoollada shisheeyuhu soo maleegay.

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]





[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada