Dhalinyarada ceelcali Oo Soo Hindisay Qaab ay Ku Dhageysan karaan FM-yada Muqdisho

La Wadaag Asxaabtaada

Dhalinyarada Ku nool degmada Ceelcali ee Gobolka Hiiraan oo ah degmo dhacda wadada xariirisa magaalooyinka Baladweyne iyo Tiyeeglow islamarkaana ah degmo ka fog caasimadda muqdisho qiyaastii 300 km ayaa isticmaalay hab cusub oo ay u dhageystaan idaacaha Fm-yada Muqdiso gaar ahaan kuwa ciyaaraha.

Idaacadaha Muqdisho oo dhamaantood ah Fm-yo aan ka gudbeen gobolada labada shabeelle ayaa dhalinyaradani reer ceelcali waxa ay suura geliyeen in ay dhageysteen tabinada tooska ah ee ciyaaraha gaar ahaan ciyaaraha soo gala wixii ka danbeeya 10:00 am iyagoo isticmaalaya hab fudud isla markaan xiiso badan.

Wariye ku sugan ceelcali ayaa u sheegay xaqiiqonews in uu la yaabay habka dhalinyarada reer ceecali ay u dhageystaan tabinada tooska ah ee idaacaha Goal-fm iyo ciyaaraha fm oo labada ka howlgala muqdisho wariyaha oo qadka taleefoonka noogu waramaya ayaa sharaaxad ka bixiyey habka isagoo yiri” dhalinyartani habeenkii ay jirto ciyaar adag toos ayey tabinteeda oo af-soomali ah kala socdaan xamar sababtoo ah waxa ay tagayaan goob gaar ah ka dibna waxa ay wacayaan qof saaxibkood ah oo joogo xamar ka dibna waxa ay ka codsanayaan in uu idaacado shido oo uu taleefonkiisa u dhaweeyo raadiyaha si ay halkaasi kala socdaan ka dibna taleefonkooda codka ayey u furayaan si wada jir ah ayeyna u dhageysanayaan”

“waa arin cajiib ah runtii waliba arinta aadka u xiisaha badan waxa ay tahay waxa ay inta badani ciyaaraha soo galaan wixii ka danbeeya afar saac qiimaha ku hadalka raqiis yahay ama waxa ay ku shubtaan 1 dollar oo anafac ah oo runtii u suuragelinaya in dhageystaan hal ciyaar oo kaamil ah madaama 1-kii dollar uu yahay 90 daqiiqo oo ku hadal ah mar marka qaarna waxaan la yaabay Nationlink iyo shirkadaha raqiiska ah ayey isticmaalayaan si ay u dhageystaan waxa badan”

mid ka mid ah dhalinyarada o ay wareysatay xaqiiqonews ayaa sheegay sidan”Wlh waa Iqtiraac Cusub waana ka faa,ideysan karaan dhalinayarada annaga oo oo kale ah e ku sugan degmooyinka iyo magaalooyinka aysan gaarin idaacaha waa hadii ay jiraan barnaamjiyo ay xiiseeyaan sidan oo kale”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada