Dhaqaalahaada Ayaad Ku Ciyaareysaa Hadii Aad Lacag Keydiso!

-

Waxaa uu ka shaqeynaayey Banki inta ugu badan noolashiisa, laakiin ugu dambeyn sirtan ayuu la wadaagay dadka hadii aan nahay shaqaalaha bankiyada ka shaqeeya waan ku qosolnaa dadka “lacagta nagu keydsada”.


XAQIIQO NEWS- HORUMARINTA NAFTA

Hadii aad ka mid tahay dadka lagu soo barbaariyey fikradda “Keydka waa fiicanyahay”, khubarada dhaqaalaha iyo bankiyada waxa ay ku leeyihiin fikradaasi mar walbo sax ma ahan.

Marka aad maqasho “Keydka ma fiicno” macnaheedu ma ahan lacagtaad ku tumo oo iska gub dhamaan mushaarka aad qaadato, waxa aan halkani kugu soo gudbinayaa fikrad aysan jecleen Bankiyadu in laguu sheego.

Maalgeli Lacagta

Maalgelinta waxa ay khubarada afka ingiriiska ku sheegaan stress less and work less taasi oo af-soomaali ahaan lagu sharxi karo “jiq iyo jiif”, (ma ahan talo maaliyadeed).

Muhiimadda Ma ahan Meeqaad Sameysaa

Dad badan ayaa lacag malaayiin ah sameeyey, dabcan maalmo ayeyna ku lumiyeen, tusaale aan u soo qaadano ciyaaryahanada, iyo dadka ku guuleysta waxa loo yaqaan lottery  (Nasiibka).

Sidoo Kale Aqri..Sidee Ku Noqon Kartaa Hantiile Wax Ka yar Sanad Gudihiis?

Dhaqaalayahanada waxa ay marxaladda lacag sameynta ku magacaabaan “Wax fudud oo la fahmi karo”.

Muhiimadda Ma ahan Meqaad Keydisaa

Hadii aad daba raacdo silsiladda dheer ee ah “lacag sameey ka dibna keydi”, markaasi kuma socotid meel wanaagsan, qeybta hoose waxaa ku qoran sirta dahabiga ee loo baahanyahay in uu ogaado qof walbo oo rabo in uu sameeyo lacag badan.

Lacagta ha u shaqeynin, iyadu ha kuu shaqeyso

Sirtu waa “meeqaad maalgelisay”, macnaha hadii aad maalgeliso lacagta waxa aad lacagta ka dhigtay mid iyadu kuu shaqeyso, sanduuqa ugu fiican ee khubarada ku taliyaan in aad lacagtaada dhigato waa sanduuqa “maalgelinta”.

Ugu dambeyn- maalgelinta lacagta kama dhigna “maalgeli, ka dibna iska maalo”, qaabka ugu fiican ee lacag loo maalgeliyo waxa ay tahay in aad barato halkii aad lacagta ku maalgelin laheyd iyo sida aad u maalgelin laheyd.

Wararka U Dambeeyey

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...

Muxuu Qirtay Muxuuse Inkiray Yaasiin Fareey

WARKA: Wareysi socday wax ka badan nus saac oo si bablik ah loo shaaciyey ayuu Yaasiin Fareey kaga hadlay...

RW Israa’iil Biniit Oo Yiri Waxaan Ku Dhownahay Burbur!

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Naftaali Biniit ayaa niyad xumo ka muujiyey mustaqbalka Yahuudda,waqti dalkaasi uu wajahaayo kala qeybsanaan baahsan oo...