Dhaqamada Cajiibta ah Ee ay Sameeyaan Wadamada Aduunka Bishan Ramadaan Gudaheeda

-

Wadamada aduunka ayaa ku kala duwan dhaqamada, gaar ahaan bishan barakeysan ee Ramadaan,Wadamada qaarkood Waa Islam, qaarkoodna dad muslimiin ah  ayaa ku nool, hase yeeshee waxa ay ka siman yihiin marka la gaaro bisha Ramadaan waxaa ay sameeyaan caadooyin cajiib ah.

Qaar ka mid ah dhaqamada ay leeyihiin wadamadan ayaa waxaa ka mid ah:

Turkiga iyo Muxyaha.

Turkida waxa ay bisha ramadaan ku soo dhaweeyaan Farxad aan la qiyaasi karin, iyagoo dheereeya nalalka masaajidaha, waxaana wadooyinka soo buux dhaafiya Dadweyne waana arinka loo yaqaan “Muxyaha turkida”.

waxa ayna inta badan ku af-furaan Turkida Zaytuun, Timir iyo rooti.

Indonesia iyo Galaabyada.

Dowladda Indonesia ayaa xirta goobaha lagu tunta iyo sidoo kale goobaha lagu iibiyo khamriga iyo maandooriyaasha kale inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Cameroon iyo Albaabyada furan.

Muslimiinta ku nool kaamiruun ayaa caan ku ah in aysan xirin albaabyada guryaha inta lagu guda jiro bishan Ramadaan,  arintaasi waxa ay ugu danleeyihiin in lagu soo dhaweeyo qofka soomaan ee aadanka ku heleelay isaga oo aan tagin gurigiisa, marka aadaanka dhaco, qofka waxaa uu galayaa guriga ugu soo horeeya ee albaabkiisa furan yahay halkaasi ayuuna ku af-furayaa, isla markaana ay is baranayaan walaalihiis kale ee halkaasi uu kula kulmay.

Jaziiradda Comoros  iyo durbaan tumista.

Dadka ku nool jaziiraddan waxa ay shidaan nalalka masaajidyada, iyagoo masaajidda ku camira Qur,aan aqris iyo salaad, waxa ayna  caan ku yihiin durbaan tumista iyagoo arinkaasi ku muujiya soo dhaweyntooda bishan Ramadaan.

Cuntada ugu fiican ee saaran miiska Af-furka marka aad joogto jaziiraddan waa Hilibka dhanka cabitaanada waa canbaha iyo caaana naaska.

Philipin iyo Qurxinta Masaajidyada

Muslimiinta Filibiin ayaa caan ku ah in ay qurxiyaan masaajidyada bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana dadka ku nool wadanka ay ku dadaalaan in qof walbo tukado salaadda taraawiix, iyagoo tukada ilaa 20 rakcadood.

Liberia iyo Musikada.

Muslimiinta ku nool Liberia waxa ay jaraan dhamaan dhageysiga musikada bilashada bisha Ramadaan, hadii qof dhageyto musik wa ay soo wada fiiriyaan waxaana loo arkaa nin ka furmay Soonka.

Marka soonka gudaha loo sii galo, ayaa wadankan waxa ay caan ku yihiin ragga in ay garacaan aalado ka sameysan Alwaax iyo copper kuwaasi oo u dhawaaqaya sida musik. balse waxaa dadka gudaha ay u yaqaanaan Laxanka Ramadaanka.

Tanzania iyo Soonka Caruurta.

Waxaa la qurxiyaa wadooyinka Tanzania bilasha bisha Ramadaan, sidoo kale waxaa la nuuradeeyaa goobaha ganacsiga iyo masaajidyada, waxeyna muslimiinta Tanzania aad u daneeyaan Soonka, xitaa caruurta waxa ay bilaabaan soonka iyagoo 12 sano jir ah.

Wadankan waxaa ceeb ka ah qof af-furan iyadoo Ramadaan la joogo, sidaa darteed waxaa la xiraa goobaha Maqaayadaha iyadoo la furo oo kaliya habeenkii.

Somalia Iyo Sanbuuska

Somaalida waxa ay aad u daneeyaan Soonka, waxaana dowladda ay soo saartaa bishani aawmir ku saabsan in la xiro maqaayadaha .

Cuntada ugu badan ee lagu af-furo waa Sanbuuska ka dib timirta iyo biyaha, waxaana caan ka ah Soomaaliya in qofka uu noqdo wadaad inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Idaacadaha Waxa ay joojiyaan heesaha musikada leh, balse badalkeeda waxa ay soo deeyaan codad nabi amaan ah oo musik lagu laray, waxa ayna dadka deegaanka u yaqaanaan Qasiidooyin.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...