Dhaqtar Tiri Maaski-kan Ma Ahan ka Hortag..Waa Waji Qurxin Un

-

Dhaqtar ahna cilmi baare caafimaad oo ka tirsan jaamacadda Ameerikaanka ah ee George Washington haweeneyda lagu magacaabo Lina Weyne ayaa sheegtay in maaskarahan ay dadku ay xiran jireen labadii sano ee la soo dhaafay ka hortagga fayruska Karoona dartiis uusan waxba tareyn marka la joogo nooca cusub ee fayruska Omikroon.


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

Dhaqaatiirta ayaa wili baaris ku wada nooca cusub ee Fayruska Karoonaha kaasi oo markii ugu horeysay lagu arka dalka Koonfur Afrika. iyada oo xogta kaliya ilaa hadda laga haayo noocan cusub ay tahay in uu ka faafis badan yahay kuwii hore oo dhan.

Dhaqtar Lina Weyne oo ah baare ku takhasustay caafimaadka ayaa sheegtay in aysan waxba tareyn xirashada Maaskarayaasha dharka ka sameysan iyada oo tiri: kaliya waa un dhikoreeshin waji qurxin waxba kama badali karo waaqica dhabta ah ee nooca cusub fayruska ee Omikroon.

Waxa ay xustay in loo baahan yahay maaskaro ugu yaraan ka sameysan saddex lakab waxa ayna soo jeedisay in ay dadku xirtaan maaskaraha caafimaadka ee caanka ku ah midibka buluugga ah.

Khabiirkan caafimaad waxa ay tilmaameysa muhiimadda uu leeyahay maaskaraha caafimaad kaasi oo leh kimikada “Polypropylene” oo ah maado ka hortagta waxyaalaha aadka u yar yar.

Si kastaba ha ahaatee waxtarka maaskiga ayaa ku xirin mar walbo qaabka qofka u xirto, waxaana habboon in qofka uu u xirto si sax ah, iyada oo ay jirto in dad badani maaskigan bullugga ah ay ku xirtaan wixii sanka ka hooseeya, markaasi oo uu maskiga waxba kuu tareynin.

Dadka aaminsan fikradda shirqoolka “conspiracy theory” waxa ay aaminsanyihiin uusan waxba tari karin maaskiga, waxaa kale oo dadkani aaminsan yihiin in Fayruska Karoona uu yahay waxba kama jiraan ama ay ka badbadis ku sameysay warbaahinta.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...