Dhawaan..Macquul Mugdiga In Wax Laga Dhax Arki Karo

La Wadaag Asxaabtaada

Cilmi baarayaal ayaa dhawaan soo bandhigay tiknoolajiyad suuragal ka dhigi karto in habeenkii waxyaalaha si fiican loo arki karo, arintaasi oo wax badan ku soo kordhin doonto nidaamka arragga habeenka (night vision).


XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI

Farsamadan oo ah tii ugu horeysay oo nooceeda ah ayaa waxaa soo hindisay baarayaal ka kala socday jaamacadda Ummadda Australia (ANU), iyo jaamacadda Nottingham Trent University.

Tiknoolajiyadda ayaa ku shaqeyneysaa xuub yar oo khafiif ah kaasi oo la dul dhigaayo muraayada caadiga ah (okiyaaliyaasha).

Sidoo Kale Aqri: Lo’da Ruushka Oo xiran “virtual reality”

Xuubkan yar ee dunta ah ayaa ka sameysan waxyaalo aad u yar yar (nano-crystals) kuwaasi oo oo iftiinka aan la arki karin ee shucaaca ah u badalaya sawir la arki karo.

Sida laga soo xigtay baarayaasha, farsamadan ayaa ah mid fudud taasi oo ku kaceysa qiimo ka hooseeya farsamooyinka arragga habeenka ee hadda la adeegsado.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada