Cilmi baaris cusub oo Shiinaha laga sameeyey ayaa cadeyneysa in 70% dadkii u dhintay xanuunka Covid-19, ay ahaayeen rag.
XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD
Hay’adda caafimaad aduunka warbixinteedii ugu dambeysay waxa ay ku sheegtay in 63% dadkii u dhintay xanuunkan ay ahaayeen rag.
Sababta raggu ay ugu badan yihiin dhimashada Karoona marka loo barbardhigo dumarka ayaa lagu sababeeyey.
1-Ragga da’ada ah waxaa ku badan xanuunanada wadnaha marka loo eego dhigooda dumarka.
Sidoo kale Aqri..Yaa Ku Badan Karoona Fayrus Dadka Dheer Mise Kuwa Gaaban?
2-Daraasado hore ayaa shaaca ka qaaday xanuunada beerka iyo dhiiga karku in uu ku badan yahay ragga, taasi oo ka mid ah waxyaabaha kor u qaada cudurkan.
3-Difaaca dumarka waa uu ka awood badan yahay kan ragga marka laga fiiriyo xagga iska caabinka caabuqyada.
4-Ragga ayaa ku badan shaqooyinka banaan baxa ee guriga dibadda ka ah, taasi oo loo sababeeyey in ay badisay tirada ragga uu cudurka ku dhacay
5-Raggu aad ayey fududeystaan xanuunka marka loo eego dumarka, waxaana badan kulamada ragga ee bulshada dhaxdeeda.
6-Ninku aad ayuu uga daaha booqashada isbitaalka isla marka uu cudurka isku arko.
7-Ragga waxaa aad ugu badan dheecanka ACE2, marka loo barbardhigo dumarka, dheecaankani ayaa Karoonaha u fududeeya in uu haleelo unugyada saxda ah, taasi oo ragga ka dhigeysa kuwo u nugul xanuunkan.