Dhimasho Ka Dib Ayuu Soo Noolaaday…5 Xaywaan Oo Nolasha Ku Soo laabtay!

-

Xaywaanaadka Waa noolayaasha aan aragno mar walbo, Waxaa ka mid ah kuwa aan la dili karin, waxaa ka mid ah kuwa halis ku ah noolasheena.

Xaqiiqonews-

Hadaba warbixinta gaaban waxa aan ku soo qaadaan doonaa Xaywaanaad Noolasha Dib ugu soo laabtay xitaa markii ay dhinteen ka dib,  waa xaywaano cajiib ah !, hadii aan dhahno Waxa ay leeyihiin Awood qarsoon ma noqoneyso been.

Si kastaba ha noqotee, hadii aad dooneyso warbxinada noocan ah oo kale in aan soo badino,Share dheh(la wadaag saaxibadaa) ka hor inta aadan bilaabin aqrinta warbixintan.

Waa kuwan Shan Xaywaan oo Sii noolaaday Xitaa markii La dilay ka dib.

5-Baranbarada.

Baranbarada waa xaywaan aan aragno marar badan, haase ahaate way ka duwantahay wax walboo aad u maleyneysay Saacadan ka hor,indhaha saynisyanahada ayey soo jiidatay Ka dib dhacdadii Horishima Ee Nukliyeerka, waxa ay dib ugu soo laabatay noolasha, Xaywaankan ayaa noolaan karo madax la,aan, sidoo kale xaywaankan ayaa neefta isku celin karta muddo 40 daqiiqo ah.

Baranbarada  waxa ay noolan kartaa muddo bil ah cunto la,aan,hadaba hadii aragto xaywaankan oo aad dishay ka dib aad aragy isaga oo nool todobaad ka dib ha la yaabin.

4- Masaska

Xaywaankan ayaa ah mid ay ka naxaan aadanaha,  waxa laga yaaba in ay kugu dili karaan Xaywaanadan muddo ilbiriqsiyo gudahood, hase ahaate marka ay sheekadu timaato in la dilo masaska howshu ma ahan raashiin karsan, suuragalna ma ahan in si fudud loo dilo,  waxaana dhacda in masaska ay sii noolaadan xitaa adiga oo u kala jaray 3 ama 4 qeyb, waxaa laga yaabaa in aad ku fikirto in madaxa oo laga jaraa ay fududeyneyso geeridiisa hase ahaate taasi ma joojiso maska waxa an ka aheyn saacado, ka dib noolasha ayuu ku soo laabtaa.

3-Octopus (Oktobas)

Waa Xaywaan Biyaha laga heli karo, gaar ahaan badda Shiinaha iyo Xeebaha Hawai ee Mareykanka.

Xaywaankan ayaa lagu magacaabaa “Caaqilka Badda”, noolasha xaywaanadan waa mid shaabahda tan saaxiriinta isticmaala Khiiq iyo boor si ay kaga qariyaan waxyaabo muuqda, isagoo isticmaalaya awoodiisa jireed waxa uu xaywaankan qarin karaa muuqaalkiisa isaga oo isku egeysiinaya midibka aktiisa ka dhaw.

Waa in aan Ogaana in xaywaankan uu leeyahay seddex  wadno, hadii mid shaqada joojiyo waxaa uu sii wadan karaa noolashiisa isaga oo isticmaalaya labada wadno oo kale.

2-Rakaha (Haraha, Raha)

Xaywaanadan Oo ku nool barriga iyo badda labaduba ayaa sameeya arin cajiib ah, gaar ahaan kuwa ku nool geedaha dushooda, xaywaankan ayaa dhinta muddo lix bilood  oo sanadka ka mid ah, ka dibna noolasha ayuu ku soo laabtaa lixda bilood kale ee sanadka.

Xaywaankan ayaa dhinta watiyada aysan roobabka jirin waxaana istaaga dhamaan shaqada wadnahiisa, hase ahaate dib ayuu u soo noolaadaa marka la gaaro roobabka.

1-Diiqa Mike

Habeen Qaboow oo ka mid ahaa habeenadii 1945-kii, ayaa nin beeraley ahaa oo lagu magacaabi jiray , Lloyd Olsen kana oo jeeda gobolka Colorado ee Mareykanka, waxaa uu isku dayey in diiqan uu qasho si uu uga dhigto casho, markii uu jaray madaxa diiqa, waxaa dhacay wax cajiib ah.

Diiqa gowracan ayaa sii noolaaday muddo 18 bilood ah madax la,aan, diiqan ayaa socodkiisa waxa uu ahaa markii madaxa laga jaray ka dib  mid aan isku dheeli tirneen, wixii xilligaasi ka dambeeyey cuntada waxaa lagu siin jiray Cirbad.

Sanadkii 1947-kii Diiiqa waxaa ku dhacay neef qabtin, isagoo geeriyooday isla qawtigaasi.

Xaaladdani waa mid dhif, maxaa yeelay marka Doorada(Digaaga)  laga jaro madaxa Si deg deg ah ayey u dhimataa.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...