Nin dhalinyarro ah ayaa caan ka noqday baraha Bulshada ka dib markii Uu noqday ninka ugu seeldheer.
Xaqiiqonews-
Wiilkani Ameerikan ah oo lagu magacaabo Jacob Panna ayaa ku baahiyey barta Tik Tok, muuqaalka suulkiisa dheer, durbadiiba muuqaalka ayaa helay daawadayaal gaaray 2 Milyan oo qof.
Sidoo Kale Aqri:Dil-Cajiib-ah-waxaa-laga-yaabaa-in-aadan-waligaa-maqlin!
Panna ayaa muuqaalka dhexdiisa waxa uu leeyahay “soo dhawaada dhamaantiin, kani waa suulkeyga dheer, waana mid dhab ah,” intaasi ka dib waxa uu soo bandhigayaa waxyaabo ku tusinaya in suulkani uu yahay mid xaqii ah.
Wiilkani ayaa caddeeyey “Ma jiro wax lagu tilmaami karo suulkani dheer, dadku markii ay i arkaan wa ay ila yaabaan, waxa ayna iska dayaan in suulkooda iyo suulkeyga ay isbarbardhigaan, taasina waa ay i farxad gelisaa, waa arin fiican marka aad dadka ka duwantahay, islamarkaana aad ogobaatsantahay waxyaabahaada gaarka ah”