Dhoolatuska”Calanka Buluug ah” waa Kii ugu weynaa Xagga cirka ah ee Sameyso Dowlada…

-

Ciidamada cirka Dowladda yahuudda ayaa soo gabagabeeyey todbaad dhoolatus xagga cirka ah waxaana dhoolatuskaasi qeyb ka ahaa dolwadaha Mareekanka,Faransiiska,jarmalka,gariiga,poland, Austria iyo Hindiya iyo sido kale waxaa loogu yeeray khuburo dagaal kuwaasi oo ka socday ku dhawaad 40 dowladadood oo dunida ah.

Dhoolatuskani oo loo bixiyey magaca” calanka buluuga ah” laguna qabtay degaanka “Oveda” ayaa lagu tilmaamay dhoolatuskii ugu weynaa ee ciidmada cirka Isra,il ay sameeyeen waaxaana la soo bandhigay diyaarado ka hortagi karo Hubka lidka diyaaradaha.

Ilo Wareedyo militir oo dowladda Isra,il ay leedahay ayaa sheegay in Isra,il ay ka faa,ideysaneyso khibradda khubarada si bey yiraahdeen loogu qeyb qaato si wada jir ah waxa ay ugu yeereen “caqabadaha guud” ee ka taagan bariga dhexe.

Dhoolatuskani ayaa ku soo aadaya xilli hey,adaha amaanka u qaabilsan ee yahuuda ay muujinayaan walaac xagga amaanka iyagoo codsay in degaano dhowr ah la geeyo madaxyada Ka hortagga Kantaalaha ee loo yaqaan “Iron Dome” iyagoo ka cabsi qaba weerarada kooxda “xarakatu al jihaad al islaamiyi”

Warbaahinta Isra,il ayaa sheegay in ciidanka uu kor u qaaday Diyaargarowkiisa amaanka ee goobaha ku teedsan xaduuda marinka QAZA iyagoo ka cabsi qaba aargoosi ay sameeyaan xubanaha “xarakada aljihaadi al islaamiyi”.

Wara hoose oo sir ah oo ay heleen Wakaaladaha ayaa sheegaya in Dowladda Imaaraatka carabta ay qeyb ka aheyd dowladaha ka qeyb qaatay dhoolatuska waxaana la argay diyaaradaha Imaaraatka oo ka qeyb qaadanaya dhoolatuska

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...